Maamulka gobolka Hiiraan oo war kasoo saaray xiisadda magaalada Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta war kasoo saaray amniga magaalada Beledweyne, xilli maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka jireen shaqaaqooyin iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka, Axmed Cismaan Cabdulle (Inji) ayaa sheegay in xiligaan aysan jirin wax dhibaato ah, islamarkaana uu wanaagsan yahay amniga Beledweyne.

“Waxaa Beledweyne ka dhaceysa doorasho Nabdoon oo dadka loo doorto si xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Axmed Inji oo la hadlayay qaar kamid ah Ergada dooraneysa kuraasta Golaha Shacabka.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyay amniga magaalada Beledweyne oo ay ka socdaan doorashooyinka, isaga oo carabka ku adkeeyay in xilligaan aysan wax culeys amni ah ka jirin magaalada.

Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagna xiisada xoogan oo ka dhalatay kuraasta ku harsan magaaladaas, taasi oo qaar kamid ah madaxda maamulka HirShabelle ay doonayeen in dad gaar ah loo xiro.

Tan iyo markaas lagu arkayay magaalada maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo la socda musharrixiinta iyo kuwo kasoo horjeeda in kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne loo xiro musharixiin gaar ah.

Si kastaba, xiisada ka dhalatay xirista kuraasta ku harsan Beledweyne ayaa is-faham hordhac ah laga gaaray, ayada oo madaxweyne Guudlaawe uu ballan-qaaday in aan musharaxna si gooni ah loogu xiri doonin kursi gaar ah.