Maamulka gobolka ‘oo si deg deg ah ugu yeeray’ qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa si deg deg ugu yeeray Milkiilayaasha goobihii maqaayadaha ee la xiray ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Go’aankan cusub ee maamulka gobolka ugu yeeray ganacsatadan ayuu ku sheegay in si dib-u-eegis loogu sameeyo shatiyada ay horey u qaateen, ganacsiga ay hada ka shaqeeyaan iyo mas’uuliyadda goobahaasi, sida uu shaaciyay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Afhayeenka oo warbaahinta la wadaagay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi sida ugu dhaqsaha badan loogu wargelinayo milkiilayaasha iska leh goobaha la xiray ee ku yaal degmooyinka; Cabdicasiis, Hodan, Wadajir iyo Waaberi.

Milkiilayaashan ayaa waxaa si gaar ah u qaabili doono maalinta berri ah oo hay’addaha dowladda ay fasax yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.

“Waxaa la ogeysiinaya milkiilayaasha inay hore usoo qaatan oo ay la yimaadan Shatiga ay hore uga qaateen dowladda Hoose ee Xamar iyo caddeynta muujineysa inuu yahay milkiilaha ama wakiilka saxda ah,” ayuu yiri.

“Milkiile walba oo u dhan dukumentiyadiisa inuu Aqalka Hoose Xamar uu yimaado saacada marka ay tahay 11-ka barqanimo. Berri oo ah 1-da May oo ku beegan maalinta shaqaalaha, islamarkaana fasax laga yahay shaqooyinka, waxa uu Guddoomiye Madaale u asteeyay inuu xafiiskiisa ku qaabilo milkiilayaashii goobihii la xiray si dib u eegis loogu sameeyo.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa waxa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne.

“Maamulka gobolka Banaadir waxa uu xiray goobo ganacsi oo lagu isticmaalayay maandooriye oo ay ka socdeen wax ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena suuban, iyada oo goobahaasi la xiray lagala noqday shatiyadii ganacsi ee hore u haysteen,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay caasimada ka socdaan howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, islamarkaana uu maamulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.