DF oo shaacisay tallaabo uu qaaday mid kamid ah madaxda u dhow Axmed Diiriye

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tallaabo cusub oo uu qaaday mid kamid ah horjoogayaasha ku dhow hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab Axmed Diiriye oo kooxdu u taqaano Abuu Cubeyda.

Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Afgooye ayaa waxa uu carruurtiisa kala baxay deegaanada ay weli ku hartay kooxda, kadib markii qaar kamid ah horjoogayaasha sar-sare ee Al-Shabaab ay dagaalka kasoo saareen carruur ay dhaleen oo hore qeyb uga ahaa kooxda.

Horjooge Xasan Afgooye ayaa waxa uu kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Tallaabada uu qaaday Xasan Afgooye ayaa imaneysa xilli ay hore warbaahinta dowladda u baahisay in horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab ay diideen in carruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalka ay ku jirto kooxda, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah.

Warbixintaasi oo baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa xog ay ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in horjoogayaasha ay carruurtooda ku noolaayeen gudaha dalka ay ka horyimaadeen in carruurtooda qeyb ka noqdaan dagaalka socda.

Sidoo kale waxaa warbixinta warbaahinta dowladda lagu sheegay intii uu socday dagaalka in horjoogayaasha kala ah; Abuu Muslim, Fu’aad Shangolo iyo Xuseen Cali Fiidoow ay dagaalka ka saareen xubno ay dhaleen oo ku noola deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Fu’aad Shangolo ayaa markii uu wiil dhalay uu kasoo saaray dagaal culus, waxa uu faray inuu si deg deg ah uu wiilkiisa uga soo baxo dhamaan deegaanada ay Khawaarijta joogaan, ayada oo ujeedkiisu ahaa in mardambe uu dagaal ku dhicin wiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixintaasi ay sii deysay warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha kooxda ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.