Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku howlanaaa maareynta xaaladihii ka dhashay roobabkii todobaadkan ka da’ay Muqdisho ayaa maanta soo saaray war lagu farxo, kadib tallaabooyin uu qaaday maamulka.
Guddoomiyaha gobolka Maxamed Axmed Amiir iyo wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta si wadajir warbixin uga dhageystay guddiga gurmadka deg-degga ee wax ka qabashada saameynta ka dhalatay roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho iyo u diyaar garowga roobabka la filaayo, si loo diyaar garoobo.
Warbixinta ayaa waxaa bixiyay guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka deg-degga Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, isaga oo sheegay in 24 saac ee lasoo dhaafay lagu guuleystay furista waddooyinkii ku xirmay roobabkii ka da’ay caasimadda iyo dib usoo celinta bilicda.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay socdaan qorshaha dib loogu dhisi lahaa waddooyinkii ku bur buray oo uu horay guddoomiyaha gobolka ugu amray inay dib uga shaqeeyaan shirkadihii dhisay.
Intaasi kadib wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kulanka hadlay ayaa boogaadiyay sida maamulka gobolka Banaadir uu ugu jawaabay xaaladihii iyo saameyntii ka dhalatay roobabkii ka da’ay magaalada, isla markaana ay hada ugu diyaarsan yihiin maareynta roobabka la filayo in ay da’aan.
Dhankiisa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kula dar-daarmay guddiga gurmadka deg-degga iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha waddooyinka in la dar-dargeliyo qorshaha dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah.
Waxaa kale oo uu bulshada ku dhaqan caasimadda ugu baaqay in feejignaan la muujiyo isla markaana la isku gar-gaaro.
Roobkkii todobaadkan da’ay ayaa sababay khasaare isugu jira dhimashada ku dhowaad toban qof iyo burburka guryo iyo wadooyin muhiim u ahaa isku socodka dadweynaha.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar oo ka warbixiyey khasaaraha uu geystay roobka ayaa horay u xaqiijiyey geerida toddoba qof oo ku dhimatay daadadkii ka dhashay roobka, burburka lix waddo oo laami ah iyo guryo dumay.


