25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaano ku baxay ciidamo Soomaali ah iyo Amisom oo dagaal qarka u saaran

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ku baxay xiisad ka dhex aloosan maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo Taliska ciidamada AMISOM ee Gobolka.

Xildhibaanada oo gaaray degmada ayaa la sheegay in durbo ay dhex dhexaadin ku bilaaben maamulka degmada iyo Saraakiisha Taliska ee Khilaafka hurinaaya.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, oo horkacaaya Xildhibaanada ayaa sheegay in labada dhinac ay si hordhac ah u kala dhexgaleen, isla markaana ay ku guda jiraan xalinta Khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Khilaafka uu yahay mid ka dhashay rasaas ay ciidamada AMISOM ee Jabuuti ku fureen dad shacab ah.

Waxa uu Xildhibaanka tilmaamay inay ku guda jiraan xalinta Khilaafka si aanu hakat u galin wada shaqeynta labada dhinac ee dhanka amniga.

Xildhibaanka ayaa rajo weyn ka muujiyay xal u helida Khilaafka, waxa uuna ballanqaaday in Khilaafkaasi lasoo gunaanadi doono saacadaha fooda nagu soo haya.

Khilaafka maamulka iyo Taliska ayaa xoogeystay kadib markii dadka deegaanka ay dhigeen dibadbax ballaaran oo arrintan ay uga soo horrjeedaan, waxaana taasi ay keentay in maamulka uu la safto shacabka.

Dhinaca kale, Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa qiray in rasaastasi ay ku dileen hal ruux oo shacab ah, balse ay diyaar u yihiin in qoyska marxuumka ay xaliyaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News