26.1 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Maamulka Jubba oo DFS uga adkaaday awoodda shirka Muqdish, qaabee?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Sida intiina badan aad la socotaan, waxaa maalintii Isniinta toddobaadkan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose, heshiis ku gaaray dowladda iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaana heshiiskaas ku jiray in magaalada Muqdisho lagu qabto wajiga koobaad ee shirka arrimaha Jubbooyinka.

Maxaa kaloo ka mid ah heshiiska.?

Sida ay lee yihiin maamulka kumeel gaarka ee Jubba, waxaa lagu heshiiyay in 2-da bisha soo socota ee November Muqdisho uu ka dhaco shir looga hadlaayo arrimaha Jubbooyinka.

1-Shirka maalinta koobaad waa furitaan iyo isbarasho.

2- Maalinta xigta shirka waxaa looga hadlayaa siddii loo heshiisiin lahaa qabaa’ilka ka soo jeeda Jubbooyinka, mana looga hadli doono wax siyaasad ah.

3-Iyo maalinta seddaxaad waxaa looga dooddi doonaa wax yaabaha laga hadlay labadii cisho ee la sood haafay.

Siddee loo xullayaa ergada ka qaybgaleysa shirka Muqdisho?

Sida qorshaha uu yahay waxaa shirka Muqdisho ka qaybgalaya ilaa 150-xubnood waxaa 100 ka mid ah soo xulaya maamulka Kismaayo.

Boqolkaas diyaarad ayaa looga soo qaadayaa Kismaayo iyadoo la geenayo Muqdisho.

Waxaa kaloo jirra 50 xubnood oo ay keeneyso dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Yaa awooda shirka leh ama garwadeen ka noqonaya.?

Ilaa hadda wax faah-faahin lagama hayo goobta uu ka dhici doono, balse waxaa jirra guddi 10 xubnood ka kooban oo loo magacaabay shirkaas, kuwaasoo qaban qaabin doona sida uu u dhacaayo shirkaas.

Maamulka Axmed Madoobe, wuxuu doonayaa in shirka intiisa badan uu ka dhaco Kismaayo, maadama halkaas ay tahay meesha loo loobanaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News