Puntland & Khaatumo oo is haya kadib amar kasoo baxay maaamulka Faroole

Taleex (Caasimada online) Maamulka Puntland ayaa wuxuu amar kasoo saaray shirar uu sheegay in lagu qabto degmada Taleex, ee Maamulka Puntland , kuwaasi oo uu sheegay in Maamulku uusan ka warheyn.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland C/samad Cali Shire oo booqasho ku jooga Degmada Taleex ee gobolka Sool,  ayaa wuxuu sheegay inay ka war hayaan in shir uusan maamulku ka warheyn lagu qabtay degmada balse aysann mar dambe dhici doonin .

Shaqsiyaadka lagu arka iyagoo degmada ku qabanaya shir uusan maamulka Puntland uusan ogeen ayuu sheegay inay muteysan doonaan ciqaab iyo in tilaabo sharci ah laga qaado sida uu shaaciyay.

Wuxuu sheegay in loo baahan marka shir lagu qabanayo degmada iyo guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland warqad ruqsa ah ama amar in laga heysto Maamulka isla-markaana maamulku uu ka war hayaa waxa y ka hadlayaan.

“Intarnetyada ayaa lagu faafiyay , waan ka waeheyna waxa Degmada Taleex ka dhacay, laakiin waxaan ka digayna Cid kasta oo dooneysa iminka imay Shir Maamulka aan lagu war galin inay degmada ku qabato waana digniin kama dambeys ah” Ayuu yiri C/samad Cali.

Bisha Janaayo ee sanadka Cusub ee 2014, Waxaa lagu wadaa in deegaanada Maamulka Puntland ay ka dhacdo Doorasha Madaxtimada ee Maamulkaas.

Caasimada online

Xasfiiska Taleex

Caasimada@live.com