Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aano cusub oo lagu dardar-gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish oo maamulka uu dagaal adag kula jiro.
Go’aamadan oo illaa 4 qodob ah ayaa waxay kasoo baxeen shir amni oo uu guddoomiyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ay ku wehliyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan baarlamaanka iyo hay’adaha amniga.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo dhameystiri lahaa wejiga saddexaad ee hawl-galka ciribtirka argagixisada ee Hillaac, kaas oo maraya meel gebo-gebo ah.
Shirka ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay natiijada guulaha laga gaaray hawlgalka iyo dejinta tallaabooyin lagu xaqiijinayo guusha dhameystirka ee hawl-galka socda.
Kulankan waxaa ka qeyb-galay saraakiisha amniga iyo masuuliyiin heerar kala duwan ah oo si dhow ula socda hawl-galka. Madaxweynaha ayaa si toos ah warbixin uga dhagaystay masuuliyiinta hawl-galk, isagoo ammaanay dadaalka ay sameeyeen ciidamadu iyo qorsheyaasha hortooda yaalla si hawlgalku u gaaro ujeedadiisa dhameystiran.
Waxaa shirka kasoo baxay afar go’aan oo muhiim ah, kuwaas oo la xiriira adkeynta amniga iyo xakameynta waxyaabaha carqaladeyn kara hawl-galka, kuwaas oo kala ah:
1. Laamaha amniga waxaa la faray in ay si adag tallaabo uga qaadaan hubka sharci darrada ah, gaadiidka lagu soo geliyo, iyo cid kasta oo ku lug leh hawshaas.
2. Waxaa mar kale la adkeeyay mamnuucida ajaanibta si sharci darro ah kusoo galaya Puntland iyo qulqulka tahriibka. Masuuliyiinta heer degmo, gobol, iyo saraakiisha amniga ayaa si toos ah loogu faray in ay ka hawlgalaan xakameynta tahriibta.
3. Gaadiidka badda ee rakaabka iyo xamuulka sida ayaa laga mamnuucay xeebaha ay hawlgalladu ka socdaan ilaa amar danbe, marka laga reebo xaaladaha gaar ah oo u baahan ogolaansho rasmi ah.
4. Waxaa la joojiyay in deegaannada hawlgalku ka socdo loo gudbiyo raashin iyo sahay aan ogolaansho haysan ama aan la garanayn cidda loogu talagalay.
Ugu dambeyntii, kulanka waxaa lagu bogaadiyay shacabka Puntland, gudaha iyo dibaddaba, sida ay u garab taagan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee hawlgalka ku jira. Waxaa sidoo kale bulshada lagu dhiirri-geliyay in ay sii xoojiyaan taageeradooda si hawlgalku u guuleysto una xaqiijiyo amniga deegaannada Puntland.