Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Ciraaq.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa waxaa kulankooda lagu muujiyay xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal, iyadoo la isla gartay in laga wada shaqeeyo arrimo muhiim u ah labada dhinac.
Qodobada kulanka lagu lafa-guray waxaa ka mid ahaa amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidoo kale wadaagga khibradaha iyo tababarrada ciidamada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq iyo wafdigiisa, isagoo bogaadiyay tallaabada ay ku yimaadeen booqashada rasmiga ah ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in booqashadan ay caddeyn u tahay dadaalka lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka uu yahay fursad muhiim ah oo lagu ballaarinayo wadashaqeynta Soomaaliya iyo Ciraaq.
Waxaa sidoo kale lagu tilmaamay in kulankani uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirkeeda caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa caddeeyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.
Wuxuu ballan-qaaday in la kordhin doono iskaashiga labada dal, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada ammaanka, socdaalka, waxbarashada, iyo tababarrada ciidamada.
Booqashadan rasmiga ah ayaa sidoo kale loo arkaa mid xoojinaysa kalsoonida iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dhinac. Waxaa ay ka tarjumeysaa sida labada dal ay uga go’an tahay in la helo nabad waarta iyo horumar mideysan oo guud ahaan gobolka dan u ah.
Gebo-gebadii, kulankan muhiimka ah ayaa lagu tilmaamay mid miro dhal ah oo dhabbaha u xaaraya iskaashi dhow oo Soomaaliya iyo Ciraaq dhexmara mustaqbalka dhow iyo kan fogba. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay diyaar u ahaanshaha wada-shaqeyn waarta, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga iyo horumarinta.