Maamulka Puntland oo xabsiga u taxaabay aggaasime ku-xigeenka hey’adda Daryeel Bulsho.

Garoowe (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay aggaasime ku-xigeeka hey’adda daryeelka bulshadda ee Puntland Cabdi Kaafi Xasan Maxamed.

Waa loo heestaan mas’uulkan  inuu waday abaabul ah siddii loogu kici lahaa maamulka uu hoggaamiyo madaxwayne Faroole sida ay lee yihiin saraakiisha maamulka Puntland.

Aggaasimaha guud ee hey’adda daryeelka bulshadda Puntland Ismaacil Aadan Diiriye oo ah oo caawa la hadlaayay idaacadda VOA ayaa sheegay in si fool xun loola dhaqmay markii la xiraayay Cabdi Kaafi Xasan Maxamed oo ah aggaasmiye ku-xigeenka hey’adda, sida uu hadlka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Cabdi kaafi wax ka dhan ah ammaanka Puntland uusan ku dhaqaaqiin isla markaana uusan ahayn siyaasi, isla markaana aysan jirin wax dambi ah oo uu galay.

Ilo madax bannaaan ayaa u sheegay Caasimada Online in Cabdi kaafi lagu xiray ra’yiga uu qabo ee ah in doorashada maamulka Puntland la qabto 8-da January oo ah marka loo balamay.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Cabdi Kafi in uu waday qorsha ah in la kulmiyo ergo iyo odayaal ka immaan lahaa Gaalkacyo iyo Bari, kuwaasoo saluugsan qorshaha uu wato madaxwaynaha maamulka Puntland Faroole, kaasoo doonaya in hal sano oo kale loogu daro xilkiisa.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan xariga maanta loo geestay aggaasime ku-xigeenkii hey’adda daryeelka bulshadda ee Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe