Maamulka QOOR QOOR oo shaaciyey inay HESHIIS la gaareen madaxweyne Xaaf

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo u warramay VOA ayaa sheegay inay heshiis la galeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horay uga biyo diiday doorashadii Dhuusamareeb.

Ciid ayaa carabka ku dhuftay in Xaaf oo sheeganayey inuu weli yahay madaxeynaha maamulka Galmudug ay ka qanciyeen waxyaabihii uu ka tabanayey.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa ka gaabsaday inuu faah faahiyo qodobada ay ku heshiiyeen, isagoona tilmaamay in si wadajir ah dhowaan loo shaacin doono.

Wadahadalkaan ayuu sidoo kale xusay inuu qeyb ka yahay ballanqaadkii madaxweynaha maamulka Galmudug, garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ahaa in uu dhammeynayo dhammaan tabashooyinka laga qabo maamulkiisa.

“Waa qayb kamid ah wadahadalka ballanqaadkii madaxweyne Axmed Kaariye, waxaana naga go’an in aynu la fadhiisano cid waliba oo tabasho qabta, si aan u udubno Galmudug loo dhan yahay oo aan khilaaf ku hor-gudbanayeen” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay isku afgarteen in Xaaf iyo hoggaanka Ahlu Sunna ay ka soo qayb galaan caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ay isku dhiibeen dowladda, kana tanaasuleen mowqifkoodii hore.

Galmudug ayaa u muuqata inay haatan gashay weji cusub oo ay uga gudbeyso khilaafaadka la dagay maamulkaasi, waxaana tallaabadan ay ka dhalatay markii dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan geysay magaalooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.