27.8 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Maamulka Saciid Deni oo wajahaya fadeexad hor leh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Puntland ayaa wajahaya dhibaato mushaar la’aan ah oo baahsan, taasoo si toos ah u saameysay noloshooda iyo shaqadooda maalinlaha ah.

Tan iyo bilowga sanadkan 2025, ma jirto wax mushaar ah oo ay heleen marka laga reebo bishii February oo la bixiyay bisha March. Sidaas darteed, afar bilood oo xiriir ah ayay ku shaqeynayeen iyagoo aan wax dhaqaale ah helin.

Qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sanadkan oo dhan mushaarka kaliya ee ay heleen uu ahaa hal bil oo keliya. Tani waxay ka dhigan tahay in inta badan shaqaalaha ay ku shaqeynayeen duruufo adag, iyagoo aan haysan wax taageero dhaqaale ah oo ay noloshooda ku dabaraan.

Mushaar la’aanta haatan taagan ayaa ah mid sii daba dheeraatay, iyadoo muddada guud ee aan la siin wax mushaar ah shaqaalaha rayidka tan iyo sannadkii hore ay gaartay ilaa toban bilood.

Durba, mushaar la’aanta ayaa horseeday in hawlihii caadiga ahaa ee hay’adaha dowladda ay istaagaan ama si gaabis ah ku socdaan. Xafiisyo badan ayaa hakad galay, halka kuwa kalena aan si hufan u shaqeynin, taasoo saameyn ku yeelatay adeegyadii bulshada ee dowladdu bixiso.

Waxaa arrintan sii xumeysay go’aan hore oo kasoo baxay Madaxweynaha Puntland, kaasoo lagu joojiyay shaqaaleysiinta cusub tan iyo sanadkii hore. Go’aankaasi wuxuu ka dhashay markii la ogaaday in qaar kamid ah wasiirrada ay si qarsoodi ah u shaqaaleysiinayeen dad ay qaraabo yihiin, taasoo keenay in la hakiyo qorista shaqaalaha cusub.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la horgeeyay baarlamaanka si uu uga jawaabo arrintan ayaa ku sababeeyay mushaar la’aanta hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid maamulka. Waxa uu sheegay in Puntland sanadkan la siiyay kab miisaaniyadeed oo aad uga hooseeya kii hore ee Bangiga Adduunka ka imaan jiray.

Mushaakilkan ayaa kusoo beegmay xilli hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka howlgala ay isna bilaabeen fasax ballaaran oo lagu eryayo boqolaal shaqaale, kaddib markii ay waayeen taageeradii dhaqaale ee ay horay uga heli jireen hay’adaha ay la shaqeynayeen. Tani waxay sii adkaysay xaaladda guud ee shaqaalaha iyo adeegyada dowladda ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News