25.1 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Maamulka Shabeelle State oo u digay kooxaha sheegta gobalka Sh/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) ayaa sheegay in aaney jirin karin maamul gobaleed sheegan kara gobalka Shabeellaha Hoose isagoona intaas ku daray in Shabeelle State kaliye uu ka dhisan yahay labada Shabeelle.

“Ma jiraan wax maamul seddax gobal ama lix gobal la dhaho oo sheegan kara gobalka Shabeellaha Hoose, maamulka Shabeelle State ayaa ka dhisan gobalkan” ayuu yiri Abuukar Mardaadi oo hadda ku sugan xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Mar la weydiiyay wax yaabaha u tageen Marka wuxuu sheegay in Marka ay ka dhigan doonaan xaruntooda isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay halkaas ku shaqeen doonaan.

Waxaa kaloo la weydiiyay in Marka ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda kuwaasoo ku howlan daminta collaada ka aloosan gobalka, wuxuu sheegay in maamulkooda uu aqoonsan yahay dowladda isla markaana ay diyaar u yihiin in la shaqeeyaan.

Si kastaba,maamulka Shabeelle State ayaa ka mid ah maamulo gobaleedyo seddax ah oo isku heesta gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo dhammaan aan dowladda aqoonsi aaney siin.

Ma cadda wax yaabaha ay ku soo kordhin doonaan maamulkan gobalka Shabeellaha Hoose oo ay hadda ka taagan xiisad collaadeed oo u dhexeeysa maleeshiyo beeleedyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News