Arrin cusub: Maamulka Somaliland oo digniin culus kasoo saaray qulqulka shacabkeeda ee Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saaray socdaalka ay dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka ku aadayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Maamulka ayaa dadka Ganacsatada iyo kuwa shacabka ah ee u safra magaalada Muqdisho uga digay in xiligaan ay gaaran magaalada Muqdisho, oo ay sheegen inay kusii kordheyso dhibaatada Qaraxyada iyo dilalka leh.

Maamulka ayaa sheegay inay sii kordhayaan qataraha amni daro ee ka jira Koonfurta Soomaaliya iyo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda degaanada Somaliland, sida hadalka loo dhigay.

Xuseen Aadan Cige ”Deyr” Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland, ayaa hadalkaa ka sheegay Saxaafada waxa uuna si gaara digniinta ugu diray Ganacsatada iyo dadka shacabka ah oo waayadan danbe ku qulqulaaya magaalada Muqdisho.

Deyr, wuxuu sheegay dad ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland inta badan lagu dilo magaalada Muqdisho, sidaasi awgeedna ay uga digayaan shacabka Somaliland in ay u safraan Muqdisho.

Haddalka Afhayeenka ayaa kusoo beegmaaya xili Ganacsato iyo dad shacab ah ay waayadan ku qulqulayeen magaalada Muqdisho oo la rumeysan yahay inay ka jiraan Ganacsiyo kala duwan iyo amni gaarsiisan heerkii loogu tallo galay.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com