Ugaaska Xawaadle oo shir deg deg ah isugu yeerey dhamaan siyaasiyiinta Beesha

Beledweyne (Caasimada Online) – Iyadoo Xiisad Siyaasadeed  ay ka taagan tahay Maamul Gobeleedkii dhawaan lagu yegleeley Magaalada Jowhar ,waxayna Xiisadaas ay ka dhalatey markii qaar ka mid Xildhibaanada Hirshabeele ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble hadana dhinaca kale  qaar ka mid ah  Xildhibaanada Hirshabeele ay Xil ka qaadistaas  ku tilmaamey mid Sharcidaro ah.

Xiisada Siyaasadeed waxay kor  u kacdey markii Xildhibaano iyana ka tirsan Maamulka Hirshabeele ay Xilkii ka qaadeen Gudoomiyiaha Baarlamaanka a iyo Madaxweyne ku xigeenka  Maamulka Hirshabeele  waxaana Bilowdey is riix riix Siyaasadee iyadoo dadka qaar markii ay soo baxadey Xiiisadaan ka taagan Magaalada Jowhar  waxay sheegeen hadii aan Xal deg deg ah laga gaarin in maamulkas uu qarka u saarmi doono  in uu Burburo

Ugaaska Beesha Xawaadle  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kor kala socdey Qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Jowhar ayaa Ugaaska waxaa uu Shir deg deg ah isugu yeerey Siyaasiyiinta Xawaadle ee ka ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Hirshabeele.

“Waxaan idiin ka Codsanayaa hadii aad Tihiin Xildhibaanadaa Baarlamaanka ee  labada Gole , Wasiirada , Xildhibaanada Maamulka Hirshabeele iyo Dhamaan Siyaasidyiinta Beesha  Xawaadle in aad Deg deg ku soo gaartaan Magaalada Baled weyne si aan uga tashano Aayaha Labada GoboL ee Hiiraan Shabeelada Dhexe iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Jowhar” ayuu yiri Ugaaska Beesha Xawaad;e Ugaas  Xasan Ugaas Khaliif.

Ugaas  ayaa ugu baaqey in Siyaasiyiintaas in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu Soo Xaroodaan Magaalada Baled Weyne ee Gobolka Hiiraan waxaana uu Baaqaan ku soo beegmey Xil ay Cirka isku shareertey xiisada Syaasadeed ee  ka Taagan Magaalada Jowhar sidoo kale Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxd ugu sareys Dowlada ayaa weli ka hadlin Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Jowhar inkastoo haatan Magaalada Jowhar uu ku sugan Wafdi uu horkacayo Wasiirka arrimaha Gudaha Dowlada Federaalka ka soo wada hadal la leh Labada Dhinac.