25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Maamulka Trump oo loogu baaqay inuu Soomaaliya ku cadaadiyo heshiis laga gaaro…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (ICG) ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku boorrisay maamulka Mareykanka inuu ku qasbo madaxda siyaasadda Soomaaliya ee is-khilaafsan inay heshiis gaaraan, iyadoo ku tilmaantay “sida ugu wanaagsan ee horumar looga gaari karo” dagaalka muddada dheer lagula jiray Al-Shabaab.

Hay’addan cilmi-baarista ayaa ka digtay in sii wadidda xaaladda taagan ama ka bixitaan degdeg ah oo Mareykanku sameeyo ay labaduba ku fashilmi doonaan xasilinta Soomaaliya.

Warbixintan oo la daabacay 24-ka Oktoobar, ayaa soo baxday xilli la sheegay in maamulka Trump uu dib u eegis ku samaynayo siyaasaddiisa ku aaddan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya. Madaxweyne Donald Trump ayaa si isdaba joog ah shaki uga muujiyay howlgalka Mareykanka, kaasoo taageera ciidamada Soomaaliya ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

Kooxda ICG waxay ka digtay, in kasta oo Trump “uusan wax xamaasad ah u hayn” howlgalka, haddana “in degdeg looga baxo ay yeelan karto cawaaqib aan loo baahnayn.” Kooxdu waxay sheegtay in tan ay ku jirto “in ay dhiirrigeliso saaxiibada kale ee Soomaaliya inay tallaabadaas oo kale qaadaan.”

Mareykanka ayaa tobannaan sano ka waday Soomaaliya hawlgallo ka dhan ah argagixisada, isagoo beegsanayay Al-Shabaab oo sannadkii 2012-kii la mubaayacootay al-Qaacida. Siyaasadda Mareykanka ayaa diiradda saartay tababarka ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo fulinta duqeymaha drone-ka, sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Caqabadda ugu weyn ee taagan ayaa weli ah khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dowladda Soomaaliya, kuwaasoo Al-Shabaab ay ka faa’iideysato si ay u maamusho dhulal ballaaran oo baadiye ah, sida ay sheegeen warbixinno ka soo baxay Qaramada Midoobay.

‘Xaalad fadhiid ah’

Warbixintu waxay ku tilmaantay howlgalka Mareykanka mid “ku jira xaalad fadhiid ah.” Waxay ku doodday in sababta asaasiga ah ee looga guulaysan la’yahay Al-Shabaab aysan ahayn dhanka militariga, balse ay tahay “siyaasadda kala qaybsan” ee Soomaaliya.

Dowladda Muqdisho “waxaa hareeyay khilaafyo wiiqaya” oo kala dhexeeya dowlad goboleedyada, kuwaasoo ku salaysan awoodda iyo kheyraadka, ayay qortay ICG. Khilaafyadan “waxay caqabad ku yihiin horumarinta jiho midaysan oo lagula dagaallamo fallaagada.”

Tusaale ahaan, warbixintu waxay xustay in xilli ay dowladda ku mashquulsanayd murannada doorashooyinka, ay fallaagadu “weerar qaadeen.” Kooxdu waxay sheegtay in mintidiintu “ay dib u qabsadeen dhul badan” oo ku yaal bartamaha Soomaaliya horraantii 2025-kii.

Qaybsanaanta siyaasadeed ee kale ayaa sidoo kale horumarka carqaladeysa. Warbixintu waxay iftiimisay “khilaafka qaraar” ee u dhexeeya Muqdisho iyo Somaliland.

Fursad saamayn lagu sameeyo

Kooxda Xasaradaha (Crisis Group) waxay ku doodaysaa in is-mari-waagan siyaasadeed uu fursad u abuurayo Washington.

Madaxda Soomaalida “way ka warqabaan go’aankii kediska ahaa ee Trump ee 2020-kii” ee uu ku amray ka bixitaanka Mareykanka, ayay tiri warbixintu. Tani waxay ku riixday dowladda Soomaaliya “inay ka hortagto wax ay u arki karto go’aanno lid ku ah.” Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah shaqaalaysiinta dad u ololeeya iyo in Mareykanka loo soo bandhigo dekedo istiraatiiji ah.

“Sida ay (dowladda) isugu dhoweynayso (Mareykanka),” ayay tiri ICG, waxay maamulka Trump siinaysaa “saamayn weyn” oo ay tahay “inuu u adeegsado… cadaadiska dhinacyada muhiimka ah.”

Warbixintu waxay meesha ka saartay ikhtiyaarada kale, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan waxtar lahayn. Ka bixitaan kedis ah oo Mareykanku sameeyo “wuxuu albaabka u furi lahaa soo kabasho xooggan oo Al-Shabaab ah.”

Dhanka kale, in Mareykanku taageero madax-bannaanida Somaliland “wax yar ayay ka qaban kartaa arrimaha Soomaaliya” waxayna “soo jiidan kartaa mucaaradnimo kaga timaadda awoodaha gobolka.”

Qorshe afar qodob ka kooban

Kooxda ICG waxay soo jeedisay afar qodob oo muhiim ah oo ay tahay in Mareykanku uu cadaadis ku saaro Soomaaliya, halkii uu “isaga bixi lahaa.”

Marka hore, Washington waa inay ku cadaadisaa siyaasiyiinta Soomaaliya inay galaan “wada-hadal niyad-sami ku dhisan” si loo gaaro “heshiis doorasho oo degdeg ah” ka hor codbixinta 2026-ka.

Marka labaad, Mareykanku waa inuu ka shaqeeyaa sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha ku saabsan nidaamka federaalka ee dalka. Tan waxaa ku jira khilaafaadka u dhexeeya Muqdisho iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, sida Puntland.

Mareykanku wuxuu “noqon karaa dhex-dhexaadiye waxtar leh” oo labada dhinac ku soo celiya miiska wada-hadalka, ayay raacisay warbixintu.

Marka saddexaad, warbixintu waxay ka hadashay maqaamka Somaliland. Waxay Mareykanka kula talisay inuu “Muqdisho ku dhiirrigeliyo inay dib u bilowdo la-macaamil daacadnimo ah oo ay la yeelato Hargeysa” oo ku saabsan xiriirkooda.

Kooxda ICG waxay si gaar ah uga digtay in habkani uu “ka wanaagsan yahay… in lagu degdego aqoonsi degdeg ah oo hal dhinac ah oo loo fidiyo Somaliland.”

Ugu dambayn, ICG waxay sheegtay in Mareykanku uu ku boorriyo Muqdisho inay u diyaar garowdo wada-hadal ugu dambaynta lala yeesho Al-Shabaab. Wada-hadalkaas oo noqon doona “mid ku saabsan soo afjaridda dagaalka.”

Kooxdu waxay qirtay “in aan la dammaanad qaadi karin in dadaalladan midkoodna uu horseedi doono horumar weyn.”

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku soo gabagabeysay in istiraatiijiyaddan ay “ka wanaagsan tahay beddellada kale” ayna “abuuri karto xaalado u saamaxaya ciidamada Mareykanka inay dhimis ku sameeyaan” iyadoo la sii ambaqaadayo xasiloonida.

- Advertisement -

Read more

Local News