MAAREEYE oo shaaciyey qorshe ay wadeen Dir iyo Digil iyo Mirifle oo la afduubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, haatana ka mid ah xubnaha loo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo saaray qoraal xasaasi oo ku saaban shirka ka dhacaya Baydhabo ee ay leeyihiin madaxda siyaasadda ee Beelaha Dir, Digil & Mirifle.

Mareeye ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha Dir, Digil & Mirifle ay dhowaan ku heshiiyeen in marka ay dhammaato doorashada socota la xoojiyo isbaheysigooda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu ka shifay qorshaha shirka ay ku leeyihiin Baydhabo, isaga oo tilmaamay inuu ku saabsan yahay wax ka beddalka awood qaybsiga xilalka dowladda, gaar ahaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Shirar ay yeesheen Madaxda Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle mudooyinkii lagu jiray arimaha doorashooyinka dalka ayaa lagu heshiiyey in marka ay dhamaato doorashada Xildhibaannada DFS la xoojiyo isbahaysiga ka dhexeeya labadan beelood oo lagu magacaabo (D&DM alliance) oo laysugu tago Magaaladda Baydhabo si looga tashado in wax laga bedelo qaabka 20kii sano ee ugu dambeeyey loo kala qaadanayey xafiisyada waaweyn ee looga talayo dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in hadda ay isbeddaleen qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo madaxdii ku howlaneyd shirkaasi, isla-markaana ay doonayaan in xilalka sidoodii loo daayo.

“Nasiib daro, waxaa hada muuqata in qaar ka mid ah madaxdii shirarkaas ku jiray is bedeleen oo ka shaqeynayaan in kuraasta sidoodii loo daayo oo Baydhabo loo tago taageero dad gaara oo keliya,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Maareeye oo kasoo horjeedo qorshaha lagu maja-xaabinayo shirka Baydhabo ayaa soo jeediyey in wada-tashi la isugu yimaado Muqdisho, ka hor shirka Baydhabo.

“Xildhibaano labada dhinac ah oo aanu arintaas iska aragnay waxaanu ku heshiiney in shirka Baydhabo ka hor Xamar lagu shiro oo laga heshiiyo Agendaha Shirka iyo in aan la bedelin ujeedkiisii,” ayuu gabagbadii ku yiri qoraalka uu soo saaray wasiir hore Maareeye.

Arrintan ayaa la aamisan yahay inay saameyn weyn ku ku yeelatay Villa Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay kala fur-furtay qaar ka mid ah madaxdii waday qorshahan, iyadoo adeegsaneyso Madaxweyne Lafta Gareen, maankana ku heyso dib u doorashada Farmaajo.