Xog: Fahad oo ka hor-tagay loolan soo wajahay damaciisa guddoomiye ku-xigeenka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya,Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo uu uga hortagay loolan xoogan oo la gelin lahaa isku dayga uu ku doonayo inuu ku noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Fahad ayaa meesha ku saaray qorshe uu xildhibaan ku noqon lahaa taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneraal Bashiir Goobe, taasi oo sare u qaaday rajadiisa guddoon.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursiga HOP018 oo uu u sharaxnaa Bashiir Goobe ayaa loo asteeyay dumar, waxaana kusoo bixi doona qof uu isaga keensaday, taasi oo meesha ka saartay qorshihii xildhibaannimo ee Bashiir Goobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, in kursigan loo asteeyo dumar ayaa waxaa kaalin xooggan ku lahaa oo dadaal badan ku bixiyey Fahad, si aanu Bashiir usoo gelin golaha shacabka.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Bashiir Goobe aanu soo gelin doonin Golaha Shacabka, islamarkaana aanu isku sharxeyn xill guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, oo uu Fahad aad uga baqayay Bashiir Goobe inuu isu sharaxo haddii uu xildhibaan noqdo.

Si kastaba, in meesha la aga saaro Bashiri Goobe kama dhigna in Fahad uu si sahlan ku qaadan doono kursigan, balse wuxuu iska leexiyey un mid ka mid caqabadaha badan ee ku gadaaman isku daygiisa.

Loolanka kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayaa ah mid xooggan oo ay ku loolami doonaan dhinacyo kala duwan, waana ay saadaasha koowaad ee kooxda Farmaajo ku tijaabinayaan isku daygooda dib ugu soo laabashada xukunka.

Haddii kooxda Farmaajo iyo Fahad looga adkaado kursigan waxay ka dhignaan doontaa in rajadooda xilka madaxweynaha ay aad u yar tahay, halka guul ay ka gaaraan ay saadaal wanaagsan siineyso.

Isku daygan oo kale ayaa guuldareystay sanadkii 2017 markii Faarax Cabdulqaadir oo saaxib la ahaa madaxweyne Xasan Sheekh looga adkaaday doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad, taasi oo muujisay in Xasan Sheekh aanu dib usoo laabaneyn, sidaasna ay wax u dhaceen.