27.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 10, 2026

Cumar Cartan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadib markii laga soo celiyay dalka Mareykanka oo uu uga qayb-geli lahaa ciyaaraha koobka adduunka.

Cumar ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, garsoorayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Muuqdaallo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinayo Garsoore Cartan oo si toos ah u gacan qaadaya boqolaalka qof ee safka u galay soo dhaweyntiisa, si ay ugu muujiyaan garab istaag dhab ah, xiligaan adag.

Sidoo kale waxaa la filayaa in munaasabad kale oo wayn galabta loogu qabto garoonka Muqdisho Stadium, halkaas oo ay isugu tegi doonaan madax iyo shacab ka xun, sida loola dhaqmay garsoore Cartan.

Soo laabashada Cartan ayaa timid kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka, iyadoo Cartan loo doortay inuu dhex dhexaadiyo ciyaaraha Koobka Adduunka. Cartan ayaa weli ah garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee taariikhda loo doortay in uu dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka ee FIFA.

Cumar Cabdulqaadir Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda Final-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami. Ma jirto sabab dib u celinta Cartan ku saabsan oo ka soo baxday laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.

Si kastaba, Cumar Cartan oo ah nin dhalinyaro oo sameeyay adaal xirfadeed oo wayn ayaa sheegay in lala yeeshay waraysi dhanka socdaalka ah oo qaatay 11 saacadood ka hor inta aan loo diidin in uu ka qeyb galo koobka adduunka ee Mareykanka inkastoo uu heystay “warqadaha saxda ah” iyo “fiisaha saxda ah” sida uu sheegay.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dhalisay hadal-heyn xooggan oo qabsatay fagaareyaasha caalamka, iyada oo madax kala duwan iyo hay’ado caalami ah ay si weyn uga xumaadeen is hortaagga garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cartan.

- Advertisement -

Read more

Local News