Muqdisho (Caasimada Online) – Wadahadalladii la filayay in ay ka furmaan magaalada Muqdisho ee lagu doonayay in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa dib u dhacay muddo toddobaad ah, kadib markii uu muran ka dhashay qaabka uu shirka uga qeyb-galayo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow qaban-qaabada wada-hadallada ayaa Caasimada Online u sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu diiday in Farmaajo uu wada-hadallada uga qeyb-galo isagoo ah dhinac siyaasadeed oo gaar u taagan, islamarkaana la yimaada ajende madax-bannaan oo ka baxsan qaab-dhismeedka mucaaradka.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Golaha Mustaqbalka ayaa qaba in Farmaajo uu xubno kusoo darsado Guddiga Farsamada ee mucaaradka, halkii uu noqon lahaa dhinac saddexaad oo gaar ah. Arrintan ayaa keentay in wada-hadalladii la qorsheeyay dib loogu riixo toddobaad kale, si mucaaradka loogu siiyo waqti ay ku mideeyaan mowqifkooda siyaasadeed iyo qaabka ay shirka ku galayaan.
Farmaajo ayaa tan iyo markii uu dalka ku soo laabtay ka madax-banaanaa isbaheysiga mucaaradka, wuxuuna inta badan mowqifyadiisa siyaasadeed ku cabirayey bayaano ka baxsan kuwa mucvaaradka, halka arrimaha qaarna uu si ka duwan Golaha Mustaqbalka ka aamusayey.
Dib-u-dhaca ayaa muujinaya in khilaafka gudaha mucaaradka uu weli yahay caqabad ka horreysa wada-hadal kasta oo lala yeesho dowladda federaalka, xilli Villa Somalia iyo mucaaradka ay wajahayaan cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibadda ah si loo helo xal siyaasadeed oo degdeg ah.
Khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan ayaa salka ku haya muranka ka dhashay muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedkii afarta sano ahaa ee madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May, islamarkaana aan dalka lagu sii hoggaamin karin hannaan aan lagu heshiin. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda difaacaysa qorshaha ay ku dooneyso in dalka loogu gudbiyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku doodaysa in wax ka beddelka dastuurka uu saldhig u yahay hannaankaas.
Xiisadda ayaa si weyn u qaraxday toddobaadkii hore, kadib markii ciidamo dowladda ka tirsan iyo maleeshiyaad lala xiriiriyay mucaaradka ay ku dagaallameen qeybo ka mid ah Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis.
Dagaalkaas ayaa sababay cabsi xooggan, barakac kooban iyo burbur soo gaaray hanti rayid, iyadoo dhinacyadu ay isku eedeeyeen inay iyagu billaabeen rabshadaha.
Mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa dowladda ku eedeeyay inay weerartay xarumo iyo guryo ay joogeen siyaasiyiin mucaarad ah. Dowladda ayaa iska fogeysay eedeymahaas, waxayna ku adkeysatay in ciidamadeedu ay ka hortageen kooxo hubeysan oo amniga caasimadda halis gelinayay.
Beesha caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan ugu cadaadisay madaxda Soomaalida inay miiska wada-hadalka kusoo laabtaan, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda.
Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo saaxiibbo kale oo caalami ah ayaa dhammaan ku baaqay in dhinacyadu ay muujiyaan is-xakameyn, islamarkaana ay khilaafka siyaasadeed ku xalliyaan wada-hadal iyo tanaasul.
Dadaalladaas waxaa barbar socda dhaq-dhaqaaq ay Turkey ku dooneyso inay ku dhex-dhexaadiso dowladda federaalka iyo mucaaradka, kadib markii ay Muqdisho gaareen mas’uuliyiin sare oo Turkish ah. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Ankara ay kulamo gooni-gooni ah la yeelatay dhinacyada, balse weli lama shaacin wax natiijo ah oo rasmi ah.
Turkey ayaa ka mid ah dalalka saameynta ugu weyn ku leh Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, tababarka ciidamada, gargaarka iyo mashaariicda horumarineed. Hase yeeshee, doorkeeda dhex-dhexaadinta ayaa noqday mid xasaasi ah, maadaama qaar ka mid ah mucaaradka ay hore uga muujiyeen walaac ku saabsan in Ankara ay aad ugu dhowdahay dowladda federaalka.
Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in dib-u-dhaca cusub loo arko fursad lagu mideynayo codka mucaaradka ka hor inta aan la gelin wejiga xiga ee kulamada.
“Waxaa la doonayaa in dhinaca mucaaradka uu la yimaado qorshe cad, hal mowqif iyo guddi farsamo oo wada matala,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka la socda dadaallada socda.
Arrinta Farmaajo ayaa hadda noqotay mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee u baahan in la xalliyo ka hor inta aan la gaarin wada-hadal rasmi ah oo dhinacyada oo dhan miiska isugu keena.
Dadka la socda geeddi-socodka ayaa sheegaya in haddii mucaaradka uu ku guuldareysto inuu mideeyo qaabkiisa iyo ajendihiisa, ay adkaan karto in wada-hadalladu keenaan natiijo siyaasadeed oo degdeg ah.
Dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dib-u-dhaca cusub, balse ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxtooyadu ay weli diyaar u tahay wada-hadal, haddii mucaaradka uu la yimaado wakiillo iyo ajende cad.
Toddobaadka soo socda ayaa hadda loo arkaa imtixaan muhiim ah oo lagu ogaan doono in xiisadda Muqdisho loo beddeli karo wada-hadal siyaasadeed, iyo in kala aragti duwanaanta mucaaradka ay sii adkeyn doonto dadaallada lagu raadinayo xal qaran.

