25.7 C
Mogadishu
Wednesday, June 10, 2026

Maxay Hillary Clinton ka tiri go’aanka maamulka Trump ee ka dhanka ahaa Cumar Cartan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa si adag u dhaleeceysay go’aanka maamulka Donald Trump uu garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulkadir Cartan uga hor istaagay inuu galo Mareykanka, inkastoo uu watay dal-ku-gal sharci ah.

Cumar Cartan, oo ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay Koobka Adduunka 2026, ayaa laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Miami, xilli uu u socday tababar iyo hawlo la xiriira tartankaas oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Go’aankaas ayaa ka careysiiyay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerayaasha kubadda cagta, maadaama Cartan loo arkayay inuu ahaa garsoore taariikh u sameyn lahaa Soomaaliya.

Hillary Clinton ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in Mareykanka, oo martigelinaya Koobka Adduunka, uusan si fudud uga hor istaagin mas’uuliyiinta ciyaaraha inay dalka galaan si ay shaqadooda u qabsadaan.

“Maadaama Mareykanku martigelinayo Koobka Adduunka, ma ahan inuu si sahlan uga hor istaago mas’uuliyiinta inay dalka soo galaan si ay shaqadooda u qabtaan,” ayay tiri Clinton.

“Waa arrin aad dib-u-dhac u ah. Sidoo kale waa mid aan wax faa’iido ah lahayn,” ayay raacisay.

Waxay intaas ku dartay in tartamada caalamiga ah ee ciyaaraha loogu talagalay inay xoojiyaan is-dhaafsiga iyo xiriirka caalamiga ah, balse aysan noqon sabab sii kala fogeysa dalalka iyo bulshooyinka.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa xaqiijiyay in Cumar Cartan uusan awoodi doonin inuu tababar qaato ama garsoore ka noqdo Koobka Adduunka 2026, kadib markii mas’uuliyiinta Mareykanka ay diideen in loo oggolaado inuu dalka galo.

FIFA waxay sheegtay in aysan ku lug lahayn go’aannada la xiriira socdaalka iyo bixinta ama diidmada dal-ku-galka, isla markaana dowladda martida loo yahay ay ugu dambeyn go’aamiso cidda dalka geli karta.

“FIFA kuma lug laha howlaha socdaalka ee dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan go’aannada visa-ha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay FIFA.

FIFA waxay intaas ku dartay in lagu wargeliyay in xaaladda Cartan aan hadda wax laga beddeli doonin.

Mas’uuliyiinta socdaalka Mareykanka ayaa sheegay in qof Soomaaliyeed oo ka yimid Istanbul laguna baaray garoonka Miami loo diiday inuu dalka galo sababo ay ku tilmaameen “walaacyo la xiriira baaritaanka amniga,” balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin.

Cumar Cartan ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu niyad wanaagsan ku jiro, inkastoo uu wajahay go’aan meesha ka saaray rajadii uu ka qabay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha Koobka Adduunka.

“Inkastoo duruufahan ay jiraan, waxaan ku jiraa niyad wanaagsan, waxaana diiradda saarayaa fursadaha xiga ee xirfadeyda garsoor,” ayuu yiri Cartan.

Wuxuu u mahadceliyay FIFA, Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF iyo dhammaan dadka farriimaha taageerada u soo diray.

“Waxaan ballan qaadayaa inaan sii joogteeyo heerkeyga garsoor, anigoo diiradda saaraya mustaqbalka,” ayuu yiri.

Kiiska Cartan ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo, maadaama uu ku soo beegmay xilli Mareykanka uu isu diyaarinayo martigelinta mid ka mid ah tartamada ugu waaweyn dunida, isla markaana ay sii kordhayso doodda ku saabsan siyaasadda socdaalka ee maamulka Trump.

Dadka dhaliilaya go’aanka ayaa ku doodaya in haddii Mareykanku martigelinayo tartan caalami ah, ay tahay inuu fududeeyo ka qeybgalka ciyaartoyda, garsoorayaasha iyo mas’uuliyiinta ka kala imaanaya dalalka dunida, halkii ay caqabado siyaasadeed ama amni oo aan si buuxda loo sharxin hor istaagi lahaayeen.

- Advertisement -

Read more

Local News