Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada hoggaanka Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo ay ku loolamayaan illaa laba musharrax, waxaana jiray musharrax saddexaad, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo aan hoolka xaadirin.
Doorashadan ayaa goordhow ka bilaabatay hoolka doorashada ee magaalada Baydhaba, halkaas oo ay diyaar ku yihiin xidhibaannada Golaha Wakiilada Saddexaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labaa musharrax ee tartamaya ayaa kala ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), halka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo cabasho muujiyay uu gebi ahaanba ka baaqday doorashada.
Sida ay dad badan saadaalinayaan doorashadan waxaa ugu cad Sheekh Aadan Madoobe oo ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, kaas oo haddii uu guuleysto beddali doono madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen oo hadda dibad joog ah.
Aadan Madoobe ayaa haysta taageerada Villa Somalia iyo tan Xisbiga JSP oo xildhibaannada ugu badan ku leh Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed, taas oo doorashada ka dhigtay mid lasii ogyahay natiijadeeda.
Dhanka kale, labada musharrax ee la tartamaya Aadan Madoobe oo shalay mar ku dhawaaqay inay ka baxeen doorashada ayaa isla markiiba dadaallo la sameeyay la qanciyay, taas oo iyana muujineyso in heshiis siyaasadeed lala galay, si aysan u fashilmin doorashada, una cuuryaamin qorshaha Villa Somalia.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa dhankooda haatan saluug ka muujinayo habka loo maamulayo doorashadan, iyaga oo farogelin ku eedeynayo Villa Soomaaliya, maadaama ay galaangal xooggan ku leedahay arrimaha Koonfur Galbeed.
Si kastaba, Doorashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed intaba

