Falcelin culus oo ka dhalatay tacsi Farmaajo u diray mid ka mid ah taageerayaashiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal shalay lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia ayaa looga tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee Ismaaciil Maxamuud Shidane oo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn baraha bulshada uga taageerta nidaamka Farmaajo, balse hadal heyn xoog leh ayaa ka dhalatay qoraalka tacsidaan.

Qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Marxuum Ismaaciil Maxamuud Shidane uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isla markaasna uu door weyn kasoo qaatay wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dalka.

Falcelin aad u xooggan ayaa ka dhalatay tacsida uu madaxweyne Farmaajo ka diray geerida wiilkaas, waxayna dad badan Farmaajo ku eedeeyeen inuu horay uga aamusay dad u shaqey jiray dowladda oo geeriyooday iyagoo ku jira shaqada Qaranka, waxaana tusaaleyaashii lasoo qaatay ka mid ahaa AUN Cabdicasiis Afrika Agaasimihii Radio Muqdisho.

Dadka fikradaha ka dhiibtay qoraalka lasoo dhigay Facebook-ga Villa Somalia ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uusan ka tacsiyeyn geeridii ku timid Allaha u naxariistee Cabdicasiis Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay 20-kii bishii November 2021.

Cabdicasiis Afrika oo sanado badan kasoo shaqeynayey warbaahinta Qaranka, isla markaasna kamid ahaa wariyayaasha sida weyn uga hor yimid fikradaha kooxda Al-Shabaab, balse Farmaajo waa uu ka aamusay geeridiisa.

Sidoo kale, Farmaajo waxuu dhawaan ka aamusay qaraxii lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo la doonayey in lagu khaarajiyo, balse waa uu ka badbaaday, waxaana si hagar la’aan ah ugu gurmaday xafiiska Rooble oo uu ka tirsanaa.

Dadka aragtooda ku soo gudbiyey qeybta commentiga ee bogga Villa Somalia waxaa ka mid ah Cali Maxamed Salaad, waxuuna yiri, “Farmaajo qof waxna garta waxna gala ma yaqaan, laakiin cayaayaanka baraha bulshada dadka ugu caaya, uguna aflagaadeeya waa yaqaan, tusaale Abdicasiis Mohamed Gulled kama uusan tacsiyayn oo la ogaa waxuu ahaa oo qaranka u qabtey, halka uu ka tacsiyay wiilkaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo baraha bulshada ku aflagaadeyn jirey, Farmaajana ku amaani jirey.”

Daahir Cali Aadan ayaa isna soo qoray, “Waa cadaatay in marxuumkaas aad
Asaga iyo kuwa lamidka ahe #CBB da Looyaqaano aad ku dhiiragalin jirteen Caayda siyaasiyiinta farmaajo kasoo Horjeedda.”

Axmed Maxamed Axmed ayaa soo qoray, “Farmaajo caadifad iyo qabyaalad baa ku dilatey, lkn alx waxaa ah in maalmo kooban ee soo aadan aadan sii suurad xumeyn karin Villa Somalia oo ah astaan qaran oo shacabka Soomaaliyeed ka dhexeysa, halyaay Cabdicasiis Afrika, waa laga aamusay oo qarankaan wax badan u soo adeegay, dhib badana u soo maray, halka shaqsi aan la garaneyn laga dhigey halyaay qaran, ewelba qeyr ma aadan leheene Villada isagasoo bax ninyahow.”

Salaad Cusmaan Garweyne oo ka mid ahaa dadka aragtidooda ka dhiibtay tacsidaas waxuu yiri, “Dhaqanka labartay intii dictator Farmaajo joogay waxaa ka mid ah tacsi eex ah iyo geesiyada oo aan laga tacsiyeyn iyo CBB laga tacsiyeeyo allaha raxmado marxuumka.”

Cali Abuukar Guutaale nin ku soo gala mareegta Facebook ayaa isna qeybta commentiga ee postiga tacsida wiilkaas ku soo qoray, “Allaah ha u naxariisto. Villa Somalia, horta ma ogtahay in la dilay C/casiis Afrika oo geeridiisu xanuun badneed..? Tacsidiisa kuma arag page-kaan.”