Macalimuu oo shaaciyey inay soo weerareen ciidamo ku beel ah Farmaajo (Daawo)

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Mudane  Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey weerar xalay saq-dhexe lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay Garbahaarey.

Macalimuu ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in weerarkaasi ay ku soo qaadeen xilli Suxuurtii ah ciidamo ku beel ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in la doonayey in lagu khaarijiyo weerarkaasi, balse uu ka bad-baaday, sida uu u sheegay Suxufiyiinta.

“Xalay 3:30AM xiligii suxuurta aan isku diyaarinayay waxaa la isku dayay in la isug soo weeraro ciidamo ka amar-qaata Villa Somalia, Iskudaygaas waxa uu ahaa mid la rabay in la igu soo afjaro, sagaal-saac habeennimo waxaa la igu yiri ciidanku xerada wuu kasoo baxay oo way kugu soo wajahan yihiin, waxaa nasiib darro ah in ciidamada oo aan cadawga lagu weerarin lagu beegsado saraakiishii Al-Shabaab ka qabsatay Gobolka Gedo,” ayuu yiri.

Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeeyey ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee la geeyey gobolkaasi, wuxuuna tilmaamay inay yihiin hal beel ah, isla-markaana dano siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyeed loo geystay halkaasi.

Ninkan ayaa mar la safnaa Villa Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay dowladu dagaalka ku qaadeysay Axmed Madoobe, walow markii dambe ay kala furteen isaga & madaxtooyada.

Xaaladda Garbahaarey ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo saraakiisha ciidanka dowlada oo ku aadan eedeyntaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan meel qaraar ay mareyso arrinta degmada Garbahaarey, kadib markii doorashadii magaaladaas loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maamulka gobolka ee taabacsan Villa Soomaaliya ayaa ka horyimid tallaabadii ay qaadeen FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble.