25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Macawiisleyda Xawaadle oo fashilisay qorshe halis ah iyo Shabaab lagu laayey…

Bookmark
Bookmarked

Share

Maxaas (Caasimada Online) – Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan ayaa galabta weerar culus ku qaaday koox Al-Shabaab ah oo loo diyaariyey inay Maxaas weeraraan.

Wuxuu ahaa weerar ka hor tag ah, waxaana lagu fashiliyey duulaan ay kooxda Al-Shabaab ay qorsheysay inay ku qabsato degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in ciidanka deegaanka ay gaareen guul weyn.

Inta u dhaxeysa Maxaas iyo Wabxo, gaar ahaan goob lagu magacaabo Birtamudan ayaa lagu weeraray kooxda.

Khasaare lixaad leh ayaa kooxda loogu geystay goobtii lagu weeraray, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Macawiisleyda weerarka qaaday.

“Guul weyn ayaan ka gaarnay dagaalkii galabta ka dhacay meel u dhexeyso deegaanka Wabxo iyo Maxaas, waxana gebi ahaan macwiisleydu cagta mariyeen fariisimihii aan ku weerarnay UGUS, firxadka khawaarijta ayaana caawa u raacdeysanay dhanka Wabxo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan macawiisleyda oo noo waramay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa u jabtay dhanka Wabxo, ciidamada deegaanka oo sii raacdeysanaya ayuu gabalku dhacay, sida ay noo sheegeen saraakiisha macawiisleyda.

Dhinaca kale, Howlgal lagu laayay horjogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, iskana kaa shadeen Ciidamada Deegaanka magaalooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa si gaar ah uga dhacay galabtay saldhig ay Khawaarijta ku laheed deegaanka Cadaleey ee duleedka magaalada Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa lagu dilay ku dhawaad, 10 xubnood oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira, waxaana howlgalku u dhacay sidii loo qorsheeyey, sida ay noo sheegeen saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalka.

- Advertisement -

Read more

Local News