Ankara (Caasimada Online) – Akadeemiyadda Sirdoonka Qaranka ee Türkiye (MIA) ayaa soo saaray warbixin dhammaystiran oo falanqeynaysa iskaashiga kobcaya ee dalkaas kala dhexeeyey Soomaaliya 15-kii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ku tilmaantay “hab iskaashi oo dhinacyo badan leh.”
Warbixintan oo ka kooban 111 bog, ciwaankeeduna yahay “Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya: Hab Iskaashi oo Dhinacyo Badan Leh,” ayaa ku billaabanaysa hordhac uu qoray madaxa MIA, Talha Köse, waxayna xambaarsan tahay falanqeyn ballaaran oo lagu kabay jaantusyo, garaafyo iyo sawirro.
Daraasaddan, oo u qaybsan siddeed cutub iyo gebagebo, ayaa lagu eegayaa xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee Soomaaliya, aasaaska taariikhiga ah ee xiriirka labada dal oo salka ku haya dhaxalkii Cusmaaniyiinta, iyo heerar muhiim ah oo laga soo maray is-dhexgalka diblomaasiyadeed.
Sida ay warbixintu xustay, ka qaybqaadashada ballaaran ee Türkiye waxay ku bilaabatay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu Muqdisho ku tagay sanadkii 2011, taasoo xiriirka ka wareejisay gargaar bini’aadannimo una beddeshay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan difaaca, tamarta, caafimaadka iyo waxbarashada.
Saldhigga Tababarka Millateriga ee TÜRKSOM, oo tababarro bixinayay tan iyo 2017, waxaa lagu tababaray kumanaan askari oo Soomaali ah si ay gacan uga geystaan amniga iyo xasilloonida dalka. Taageerada la-talinta millateri ee Türkiye, is-dhaafsiga sirdoonka, iyo kaalmada dhanka qalabka ayaa si toos ah u xoojiyay madax-bannaanida Soomaaliya.
Dhanka kale, laga soo bilaabo 2012 iyadoo la raacayo heshiisyo iskaashi oo laba geesood ah iyo kuwo amni, Akadeemiyadda Booliska ee Türkiye iyo Akadeemiyadda Jandarimariga iyo Ilaalada Xeebaha ayaa sidoo kale aqbalay arday ka socota Soomaaliya oo dhigata heerarka koowaad iyo labaad ee waxbarashada sare.
Sanadkii 2024, heshiis qaab-dhismeed cusub, Shirkadda Shidaalka ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) waxay sahminta shidaalka iyo gaaska ka bilowday saddex xirmo oo badda ku yaal.
Sidoo kale, waxaa la horumarinayaa mashaariic koronto oo isku-dhaf ah (cadceed iyo naafto) iyadoo la helayo taageero farsamo oo Turkiga ah si loo xoojiyo sugnaanta tamarta Soomaaliya. Is-afgarad la kala saxiixday 2018 ayaa sidoo kale siiyay maraakiibta Turkiga xuquuq sharci ah oo ay kaga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya, taasoo dhanka badaha u beddeshay goob iskaashi oo “dhaqaale buluug ah”.
Hay’adaha horumarinta, oo ay ku jiraan Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-dubbaridka Turkiga (TIKA), Maamulka Masiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah (AFAD), Bisha Cas ee Turkiga (Kızılay), Madaxtooyada Dadka Turkida ah ee Dibadda iyo Jaaliyadaha la Xiriira (YTB), Machadka Yunus Emre (YEE) iyo Mu’asasada Maarif ee Türkiye, ayaa isku dubariday dadaallo dhinacyada daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha.
Waxaa arrimahaas ka mid ah Cisbitaalka Waxbarashada iyo Cilmi-baarista ee Erdoğan iyo dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dhismaha Baarlamaanka.
Warbixinta ayaa sidoo kale ku ammaanaysa dadaallada diblomaasiyadeed ee Türkiye, gaar ahaan “Baaqa Ankara,” inuu xalliyay xiisaddii Ethiopia iyo Soomaaliya ee horraantii sanadkan, taasoo adkeynaysa doorka Ankara ee ah xasiilye goboleed.
Baaqa Ankara wuxuu ka dhashay wadahadallo ay dhex-dhexaadisay Türkiye oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.
Xiriirka u dhexeeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday tan iyo markii ay Ethiopia heshiis la gashay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland bishii Janaayo 2024. Si kastaba ha ahaatee, doorka Türkiye ee xoojinta wada-hadalka labada dal ee Afrikaanka ah ayaa abuuray jawi horseedi kara is-faham, waxaana ka dhashay nabad waarta oo gobolka ka hirgasha.

