‘Macnaha dhabta ah ee laga fahmayo qoraalkii Farmaajo uu ugu jawaabay Kheyre’

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharraxaad ka bixiyey macnaha dhabta ah ee qoraalkii madaxweyne Farmaajo uga jawaabay go’aankii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in doorashada ay waqtigeedu ku dhacdo.

Kheyre ayaa yiri “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur.

”Qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo kaas jawaab u ahaa ayaa lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook oo uu ku sharxay qoraalka Villa Somalia waxa uu u dhignaa sida hoos ku qoran:-

Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’?

Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya.

Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay.

Soomaalidu waxay ka sugeysaa madaxda Dowlad Goboleedyada ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cida muddo kororsiga diiddan, ogol doorasho xilligeeda ku dhacda iyo talo wadaag saamileyda siyaasadeed qayb ka tahay.