Macron oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah Ruushka

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo Ruushka, taas jawaab u ah dagaalka Ukraine.

Emmanuel Macron ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in la beegsado saliidda iyo warshadaha dhuxusha ee Ruushka taas oo xanuun ku noqon karta Ruushka, ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxweynaha Faransiisa ayaa xusay inuu kaashan doono dalka iyo saaxibadiisa kale ee wadamada reer Yurub.

“Faransiisku wuxuu isku dubaridi doonaa tillaabooyinkan oo kale isaga iyo saaxiibadiisa EU, “gaar ahaan Jarmalka”, maalmaha soo socda,” ayuu yiri madaxweynaha Faransiiska

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Midowga Yurub uu ku soo rogi karo cunaqabatayn dheeraad ah oo ka dhan ah shakhsiyaad u dhashay Ruushka.

Waxaa xusid mudan in Macron uusan soo hadal qaadin beegsiga gaaska Ruushka, kaasoo ka dhigan qiyaastii 40% gaaska dabiiciga ah ee Midowga Yurub.

Ruusha ayaa haatan wajahaya go’doomin xoog leh, taas oo ka dhalatay duulaanka uu ku galay Ukraine kaas oo weli socda, isla-markaana dhaliyey khasaare culus iyo barakac.