Madaafiic lagu duqeeyay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maadaafiic xoogan lagu garaacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay madaafiic ku duqeen aagga ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidank deegaanka ee SSC.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Dhowr meelood inuu ku dhacay ayaa wararka igu soo gaarayaan, jugtana waa maqlayay, waana xaafadaha dhaca bariga Laascaanood,” ayuu wareysiga laga qaaday ku yiri Cabdiqani

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeeshee. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta.

Si kastab, waxaa magaalada Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.