Madaafiic lagu garaacay mar kale Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka maadaafiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen deegaanka Maraga oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhashay madaafiicdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib usii qarxo dagaalka ka socda Laascaanood.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa ayada oo madaxda Somaliland iyo kuwa SSC ay hawada isku marinayaan hanjabaadyo la xiriira arrinta Laascaanood.

Si kastaba, waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dhowr bil ka socday dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.