Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow tiro Madaafiic ah lagu garaacay Madaxtooyada Somalia oo ku taallo Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Madaafiicda qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen dhismayaal ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Somalia.
Madaafiicda lagu garaacay Madaxtooyada Somalia ayaa tirro ahaan dhan ilaa 5 Madfac oo is xigxigay kuwaa oo mid kamid ah la sheegay inuu ku dhacay gudaha Xarunta, sida laga soo xigtay Askari ka tirsan ciidamada Madaxtooyada.
Madaafiicda ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen Shaqaale ka tirsan Madaxtooyada, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh Cuno karinta iyo nadaafada oo tirro ahaan lagu sheegay 4.
Geesta kale, duqeyntaani ayaa noqoneysa tii labaad tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]