Madasha Badbaado Qaran oo shuruud adag u gudbisay Golaha Ammaanka Midowga Afrika kahor kulanka maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal u dirtay Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika oo maanta kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, qoraalkaas oo la mariyey safiirka Jabuuti ee Ethiopia Mohamed Idriss Farah, oo ah guddoomiyaha iminka ee golahaas.  

Kulanka Golaha ee maanta ayaa la filayaa in looga hadlo isku day Midowga Afrika ku doonayo inuu ku dhex-dhexaadiyo dhinacyada Soomaalida, kadib cadaasi ka yimid beesha caalamka oo keenay in Farmaajo uu dalbado dhex-dhexaadintaas.

Qoraalkan ayey Madasha ku sheegtay inay soo dhoweeneyso dhex-dhexaadin dibadeed oo loo sameeyo dhinacyada Soomaalida, hase yeeshee waxay sheegtay in wada-hadal kasta ay qasab tahay in saldhig loogu dhigo diidmada muddo kororsiga sharci-darrada ah ee labada sano, iyo ku laabashada wada-hadallo ku saabsan fulinta heshiiskii 17-ka September ee doorashooyinka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu caqabad ku yahay inay dalka ka dhacaan doorashooyin daah-furan, nabad ah oo loo dhan yahay, uuna isku dayayo inuu awood u adeegsado ficillo dalka waxyeello gaarsiinaya.

“Sidaas darteed waxana ku baaqeynaa in Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika uu qaado tallaabo deg deg ah oo looga hortagayo in arrintan ay noqoto mid dhab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaa ayaa intaas ku daray in tallaabada ay qaadeen baarlamanka Soomaaliya ay aheyd mid aan sharci-darro kaliya aheyn, balse ay sidoo kale ka hor-imaneyso dastuurka, maadaama golaha shacabka muddo xileedkiisu dhamaaday, uu muddo kororsiga ku ansixiyey ayada oo aanu kooramka buuxin iyo in Aqalka Sare uusan ansixin.

Waxay tallaabadaas ku qeexaan mid dambi ah, oo musuq maasuq ah, taasi oo halis gelineysa xasilloonida aan cagaha adag ku taagneyn ee dalka.