MADASHA oo shaacisay ajendeyaasha rasmiga ah ee kulanka MADAXDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goor dhow ay magaalada Muqdisho ku kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha, ayaa facebook kusoo qoray shan qodob oo looga hadlayo shirka, kuwaas oo kala ah:-

  1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.
  2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.
  3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.
  4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.
  5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

Kulankan ayaa waxaa codsaday madaxweyne Farmaajo, waxaana uu imanaya xilli ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay cabuirnta dowladda Soomaaliya ay ku hayso ee siyaasinta mucaaradka ah ee ka aragti duwan xukuumadda.