Kulanka madaxdii hore iyo Farmaajo oo billowday iyo 5 qodob oo miiska saaran

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya inuu halkaas ka bilowday kulan xasaasi ah oo uu dhaxeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo iyo madaxweynayaashii dalka soo maray ee Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Kulanka ayaa hadda ku bilowday qado sharaf madaxtooyada loogu sameeyey madaxweynaashii hore ee Soomaaliya.

Qadada kadib ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo kulanka u dhaxeeyo seddexdaan Mas’uul.

Kulanka ayaa ah mid gaar ah oo ay kaliya ka qeyb geli doonaan Labadii Madaxweyne ee dalka horey usoo maray oo matalayo Madashada xisbiyadai iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shir saxaafadeed isugu yeeray Wariyeyaasha saacadda marka ay tahay 4-ta galabnimo, si loogu la faah faahiyo marka uu soo dhamaado kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Ajanadaha kulanka uu yahay sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah iyo sidii ay madaxdii hore ugu garab siin lahaayeen Dowladda.

Balse Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Madashada xisbiyada ayaa  bartiisa Facebook soo dhigay qodobo badan oo looga wada hadli doono kulankaan oo kala ah:

1) Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

2) Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

3) Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

4) Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

5) In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online