Wararkii ugu dambeeyey shirka DF iyo madasha xisbiyada ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada uu ka dhoco shir muhiim ah oo u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo madasha xisbiyada Qaran ee dalka.

Shirka oo horay loo sii iclaamiyey, kadib dalab ka yimid dowladda federaalka ayaa furmi doono Duhuradii, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen, ilo ku dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu dhexmari doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Khayre iyo Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan si weyn isku haya.

Dowladda federaalka ayaa laga filayaa inay raalli gelin ka bixiso falkii dhowaan lagula ka kacay labada Madaxweyne oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida aan xogta ku helnay shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xiisada labada dhinac, doorashooyinka soo socda, xaaladda Galmudug iyo arrimo kale.

Sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan in shirka lagu soo qaadi doono culeyska heysta shacabka Muqdisho, gaar ahaan jidadka xiran oo weli dhibaato ay ka jirto.

Lama oga natiijada ka soo bixin doonto shirkan oo lagu soo aadiyey, xilli xaaladda siyaasadeed dalka ay tahay mid kacsan, kadib xayiraadii lagu sameeyey, Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif oo xisbigiisu dacwad geeyey maxkamadda sare.