24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Madasha Xisbiyada oo war kasoo saartay heshiisyadii GALMUDUG iyo JUBALAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay uga hadlayaan heshiisyada ay gaareen dhinacyadii siyaasadeed ee isku hayey Galmudug iyo Jubaland.

Heshiisyadan ayaa waxaa gaaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Sidoo kale waxaa heshiis gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane: Axmed Maxamed Islaam iyo madaxda Golaha isbedel-doonka Jubbaland.

Madasha ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in heshiisyada la gaaray ay fure u yihiin deminta colaadaha sokeeye ee ka aloosan qaybo ka mida deegaannada Soomaaliyeed, ayna horseedayaan xoreynta deegaannada kale ee ka tirsan Galmudug iyo Jubbaland kuwaasoo ku jira gacanta Argagixisada.

Waxay ugu baaqday dhinacyada gaaray heshiisyada kor ku xusan inay ka dhabeeyaan meel marinta qodobada lagu heshiiyay lagana fogaado wax waliba oo dhaawici kara Midnimada.

Madashu ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku dayato dadaalada heshiisiinta siyaasadeed ee ka socda dalka ayna la heshiiso maamul goboleedyada.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhan

- Advertisement -

Read more

Local News