Madasha xisbiyada qaran oo baaq ka soo saartay colaadda gobolka Mudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka Madasha xisbiyada qaran ayaa maanta war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiyada qaran, islamarkaana uu ka saxiixnaa guddoomiyaha madashaasi, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna Madaxweynihii hore dowladdii KMG aheyd ee dalka ayaa baaq nabadeed loogu diray beelaha diriraya.

Madasha ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay si degdeg ah dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal.

Sidoo kale waxay ku baaqday cidkasta oo ka qeyb qaadan karta daminta colaadaasi inay u istaagto, si looga hortagto dhiig markale ku daata halkaasi.

Xiisada u dhexeyasa labadaan maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamullada dariska ee Puntland iyo Galmudug ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka taagneyd deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo  oo dhaca bariga gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana socda dagaallo nabadeed oo looga hortagayo sii socoshada dagaalladaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale.