UCID oo war soo saartay dacwadda laga gudbinayo Faysal ee maamulka ay DF dhiseyso la xiriirta

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa ka hadlay dacwad ay sheegeen qaar kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland inay ka gudbinayaan Guddoomiyaha xisbigaasi, Faysal Cali Waraabe.

Ucid ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymo ay shalay xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladu ay u soo jeediyeen Guddoomiye Faysal, kuwaasi oo ay kula xiriirinayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Cabdi Muuse Abyan, Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga Ucid, kana mid ah hogaanka sare Xisbigaasi, ayaa sheegay in Xildhibaanadaasi ay soo adeegsadeen shir gudoonka golaha wakiilada, kuwaasi oo la rabo in lagu aamusiiyo siyaasiyiinta Somaliland.

Axmed Abyan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaanadaasi loo adeegsanayo aamusiinta Guddoomiyayaasha mucaaridka ah ee u hadlaya xuquuqda shacabka ee kana hadlaya khaladaadka iyo dhibaatooyinka jira, midaasi oo carabaabay inaysan marnaba suurtagaleyn.

Abyan ayaa waxa kale oo uu Xildhibaanadaasi eedeynta u jeediyay Guddoomiyaha xisbigooda, ku sheegay ‘dib-jir lasoo adeegsaday’, midaasi oo uu ku micniiyey inaysan ku fadhin sharci golahaasi.

Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dacwad ka gudbinayaan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay ku tilmaameen mid ka soo horjeeda midnimada Somaliland.