Puntland oo war cusub ka soo saartay dagaalka Mudug

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa markale si kulul uga hadashay colaad beeleedyada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay Puntland aad uga xun tahay dagaallada ka socda deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay cidkasta uga digeyso ka qeyb qaadashada hurinta colaadaasi.

Ugu dambeyn warsaxaafadeedkaan ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay xabadda joojiyaan wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan.

Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad uu dagaalkaasi ku eedeeyey inay soo qaaday Galmudug.

Dhabancad ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmuudug ay hurinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Xiisada ayaa weli ka taagan bariga gobolka Mudug, waxaana isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.