Koox hubeysan oo toogasho ku dilay macalin dugsi qur’an

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay rag hubeysan ka geysteen demada Wanlaweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Raggaan oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa Macalin Dugsi Qur’aan ku dilay gudaha degmadaasi, iyagoo sidoo kale dhaawacay qof kale oo shacab ahaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Macalin Cismaan Cirbad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira aano Qabiil, iyadoona kooxdii ka dambeysay ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saaka lagu soo warramayaa in howlgallo ay ka wadaan degmada Wanlaweyn, kuwaas oo lagu baadi goobiyey raggii fuliyey dilkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada kan iyo gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi.

Wanlweyn iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa marar badan ku soo laa laabtay dagaal beeleedyo u dhexeeyo laba maleeshiyo oo wada daga halkaasi, inkastoo muddooyinkii la soo dhaafay xaaladdu ay aheyd mid degan.

Maalin ka hor ayey sidoo kale aheyd markii maleeshiyaad hubeysan ay magaalada ka dhaceyn Gaari, balse ciidanka oo ku baxay dhacaasi ayaa dib u soo celiyey gaarigaasi.