Madasha Xisbiyada Qaran oo sheegtay hal mid oo ay ka xun yihiin oo la xiriirta shirka Dhuusomareeb (Aqriso)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhaweeyay Shirka Maamul Goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ee looga hadlayo xaaladda siyaasadda ee dalka, iyo inay ka xun yihiin in dowladdu ka maqan tahay shirkaas.

Sidoo kale waxey war murtiyeed ay soo saareen ku sheegeen iney ka xun yahiin baaqashadii kulankii ay 5-ta Luulyo yeelan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah Federaalka kaas oo ay tilmaameen iney caddeyn u tahay fashilka ay hogaanka sare ee dalka ku suganyahiin.

Madasha ayaa sidoo kale muujiyey inay ka xun yihiin in madaxda dowladda ay ka maqnaadaan shirkaas taasi oo aan muujineyn ifafaaalo wanaagsan sida ay sheegeen.

“Madasha Xisbiyada Qaran wax wanaagsan uma arkaan in madaxda dowladda dhexe ay ka maqnaadaan shirka ka dhacaya Dhusamareeb, waxeyna madaxda dowladda kula dar-daarmeen iney u istaagaan gudahashada waajibaadka ka saran hawlaha Dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka

“Madashu waxa ay dhiirrogelineysaa dedaal walba oo keeni kara isu soo dhawaansho iyo garawshiyo maangal ah” ayuu intaas ku daray qoraalka war-murtiyeedka kasoo baxay madasha xisbiyada qaran.

HALKAAN KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO DHAMEYSTIRAN: