Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka bilowday dabaal-degyo waaweyn, munaasabadda ugu weyn ayaa ka socota xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee loo yaqaano Dowladda Hoose ee Xamar.
Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamsa, Guddoonka Baarlamaanka inta badan wasiirrada iyo xildhibaanada dowladda iyo bulsho aad u badan ayaa ka qeyb geleysa munaasabadda caawa ka socota xarunta gobolka.
Madaxweynaha JFS ayaa calanka saari doona fagaaraha Xarunta Dowladda Hoose oo 65-sano ka hor caawa oo kale markii ugu horeysay la suray calanka Soomaaliyeed.
Inta ka horeysa madaxda dalka ayaa jeedineysa khudbado muhiim ah oo ku saleysan xusuusta maalmihii xornimada Soomaaliya, hadal jeedinta ayaa soo bilaabatay goor hore, waxaana hadlay madaxda qaar, halka kuwo kalena ay dhiman yihiin.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kamid ah Madaxda hadashay wuxuuna yiri ”Waxaan midnimo lagu helayn, laguma helayo Soomaali la kala qoqobo, aan ka shaqeyno walaalayaal midnimadeena.”
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Salaax Axmed Jaamac ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa Soomaaliland in miiska wadahadalka yimaadaan oo waxa ay ku qancayaan keenaan, waxaana nagala rabaa in aan midowno oo ilaashano midnimadeena.”
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa yiri “Gobolada Waqooyi waa ku ammaanayaa in ay ka shaqeyeen midnimada labada gobol Koonfur iyo Waqooyi, waxaana ku baqayaa in la abuuro jawi lamid ah kii 1960-kii oo kale si ummadda Soomaaliyeed la iskugu keeno.”
Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiman, taas oo si weyn loo sugayo, lana aaminsan yahay in arrimo xasaasi ah uu uga hadli doono.
Toos u daawo munaasabadda