26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Madaxa Ciidamada Nabad Sugidda ee Maamulka JUBBA oo lagu dhawaaqay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada online) Maamulka Jubba ee uu hogaamiye Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Kana dhisan Deegaanada Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta Si rasmi ah  waxay u magacabeen Madaxa Ciidamada Nabad Sugidda ee deegaanada Maamulkaas Ciise Kambooni oo ka tirsanaa Saraakiisha Sar Sare ciidamada maamulkaas.

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu magacaabay Wareegto ka soo baxday Xafiiska General C/laahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, Taas oo Muujjinaysa in Ciise Kambooni uu yahay Wixii xilligan ka bilawda Hogaanka Nabad sugidda Maamulka Jubba.

Wareegtadan kasoo baxday Xafiiska  General Fartaag oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubba ayaa laga aqriyay Radio Kismaayo uu ku hadla afka maamulka Jubba

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu sheegay in Ciise Kambooni uu la wareegi doono Dhamaan Ciidamada Nabad Sugidda Deegaanada Jubbooyinka, Hubka iyo Gaadiidkooda  u gaarka ah..

Ciise Kaambooni Wuxuu hore kaga mid ahaa Ururkii Bur buray ee uu Axmed Mdoobe Qeybta ka ahaa ee Xizbul Islaam , wararka qaarnma waxay sheegayaan in Sarkaalkan maanta loo magacaabay xilkan uu qaraabo dhaw la yahay Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka Jubba.

Warar ayaa sheegaya in Ninkaan uu mar hogaan u ahaa Ciidamadii Kambooniyiinta la oran jiray ee ka dagaalami jiray Gobolada Koonfurta Soomaaliya ee uu tababaray Sheekh Xasan turki .

Si kasto Hogaankan Cusub ee Maamulka Jubba ay u idmadeen inuu Hogan u noqdo ciidamada nabad sugidda maamulka Jubba waxa hor yaala howl adag oo ay ka mid yihiin ka hortaga dilal iyo falal amni xumo oo xilliyada qaar ka dhaca deegaanada maamulka Jubba.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News