Subxanallah: Mucjiso xalay lagu arkay meelo badan oo ka mid ah SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa xalay meelo badan oo ku yaalla Soomaaliya lagu arkay arrin mucjiso ah, taasoo ah wax daruur u muuqda oo hawada ku jirta.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan gobalada Hiiraan, Galgaduud, Shabeellaha Hoose, iyo Muqdisho ayaa xalay arkay wax goobaabo camal ah oo Ifaya ama nuuraya, oo dhowr daqiiqo hawada ku jira kaddibna la waayay.

Goobjooge ku sugan deeganka Xalane ee Muqdisho ayaa sheegay in uu arkay wax gooboobo yer leh oo ifaya, kuwaasoo uusan horey u arkin.

“Waxaan arkay wax sida Bululeerka camal oo iftiimaya, anniga iyo dad badan ayaan istusnay waa mucjiso rabaani ah” ayuu yiri Daahir Faradar oo ah Oday la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho.

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada Soomaalida oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa sheegay in waxyaabahan la arko qarnigii mar.

Sheekha ayaa sheegay in muddo 30 ama 40-sanno ka hor la arkay gaar ahaan Soomaaliya.

“Waxaan qarnigii mar ayaa la arkaa, oo NNNK allaha yeele ayaa xadiis laga soo wariyay wuxuu sheegaya in haddii la arko wax Camuud ah ama afka muduc ka ah isla markaana ifaya waxa uu yiri Keydsada raashinkiina waa qarni abaar muujinaya” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Sheekha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaalida in ay is-dajiyaan oo ay ka warsugaan sida uu illaah wax ka dhigi doono.

Wuxuu sheegay in wax yaabahan oo kale aan lagu arkin dalka Soomaaliya 4o-kii sano ee la soo dhaafay sida uu hadalka u u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com