Madaxa Shirkada DP World”Jabuutiyaanka anagaa ka dhignay Dad balse waxan ku celin doonaa sidii hore”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa meel xun sii gaarayo Khilaafka u dhaxeeyo dowladda Jabuuti iyo Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee loo yaqaan Dp World kadib markii laga joojiyey mashaariicdii ay ka wadeen dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan shirkadaas ka joojiyey heshiiskii lagula jiray ee Dekadda Jabuuti, waxaana lagu wareejiyey shirkad kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Haddaba Ninka ugu sareeyo Shirkadda Dp World oo lagu magacaabo Sultan Axmed Bin Salim ayaa  sheegay hadal si weyn loola yaabay.

Wuxuu sheegay inay iyaga Jabuuti ka dhigeyn bini’aadam balse ay sidoodii hore ku celin doonaan

“Jabuuti  waxaan ka dhignay Bashar (Bini’aadam) balse waxaan ku celin doonaa sidii ay beri ahaayeen” ayuu yiri.

Hadalkaas ayaa u muuqdo inuu yahay mid hanjabaad ah, waxaana soo baxay warar kala duwan oo ku aadan sababta looga ceyriyey dalka Jabuuti.

Telefishinka caanka ah ee Al-Jazeera oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa sababta ka dambeyso arrintaas ku sheegay inay tahay kadib markii DP World ay kasoo bixi weysay heshiisyadii lala galay iyo sidoo kale ballan qaadyo ay sameeyeen markii heshiiskaas loo saxiixayey.

Suldaan Axmed Bin Salim Madaxii Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World ayaa laga soo xigtay hadal u muuqday mid jees jeesa ah kaas oo ahaa in iyagu ay Jabuuti dad ay ka dhigeen bale ay haatan meeshoodii hore ay ku celin doonaan.

Dowladda Jabuuti ayaa heshiisyo caalami ah la gashay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxayna dooneysaa in ka faa’ideyso Malaayiin Dollar oo ay dowladda Shiinaha sheegtay inay ku maalgelineyso dowladaha Africa.

Shirkadda DP World ayaa qalalaaso siyaasadeed ka horisay dalka Soomaaliya iyadoo heshiisyo aysan dowladda Soomaaliya ka warqabin kula wareegtay Dekadda ku yaal Soomaaliya, waxayna wadddaa olole ballaaran oo ay ku qabsaneyso Dakadaha ugu muhiimsan ee ku yaalo dalalka Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com