Madaxda DF oo ka hadlay doorashada Kenya iyo guusha William Ruto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa qoraallo ka soo saaray doorashada Kenya oo galabta la shaaciyey natiijadeeda rasmiga ah, waxayna balan qaadeen inay iskaashiga labada dal kala shaqey doonaan madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee William Ruto, isagoo noqday Madaxweynihii 5-aad ee Kenya, marka aad bilawdo shaqadaada Madaxtooyada Kenya, waxaan rajeynayaa inaan si dhow idiinla shaqeeyo, si aan u horumarino iskaashigayada faa’iidooyinka u leh labada dal.”

Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraalkaan uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku yiri, “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne William Ruto, oo loo doortay madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Kenya. Gabagabada taariikhiga ah ee geedi socodkan ayaa marag u ah hogaamintaada. Xiriirka ka dhexeeya dadkeenna waa mid xooggan. Waxaan rajaynayaa in aan dhinacyo badan kaala shaqeeyo.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna qoraal ka soo saaray doorashada kenya ayaa yiri, “Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni.”

William Ruto oo ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay hoggaaminta dalkaas ee 5-ta sano ee soo socota, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka dalkaas, waxaana xusid mudan in dhowr xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada ay diideen natiijadaan la shaaciyey.

William Ruto ayaa helay codad dhan 7.18 milyan oo u dhiganta 50.49%, halka uu musharaxii kale ee Odinga uu helay 6.94 milyan oo cod oo u dhiganta 48.85%, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Wafula Chebukati.