Gudoomiye Cali Jeyte oo ku biiray jiidda hore ee dagaalka

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku biiray xubno ka tirsan wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle iyo Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Guddoomiye Jeyte ayaa masuuliyiintan kala shiray sidii gargaar dowladnimo loogu fidin lahaa shacabka ku nool deegaanada laga saaray argagixisada Al-Shabaab, islamarkaana loo sii xoojin lahaa dadaalada howl-galka ka dhan ah.

“Jeyte waxa uu masuuliyiinta la wadaagay howl-maalmeedka shaqo ee joogtada ah, iyaga oo laga arin-saday sidii loo wajahi lahaa in shacabka loo fidiyo gargaarka Bini-adanimo maadaama Al-Shabaab ay ka burburiyeen dhamaan adeegyadii muhiimka u ahaa nolashii shacabka sida Ceelashii, guryahii iyo soolaradii leerka dhalinayay ee cadceeda ku shaqeynayay.”

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa warbixin ku aadan xaalada guud siiyey gudiga madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe u xil-saaray gurmadka deegaanada laga saaray Al-Shabaab, isagoo markale ugu celiyay in la gaarsiiyo gargaar dowladnimo oo buuxa.

Ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay muhiimada sii xoojinta amaanka iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, si loo xakameeyo amniga deegaanada laga saaray dibna loogu soo celiyo dhamaan adeegyadii dadweyne ee daruuriga ahaa.