Madaxda SOMALIA jagooyinka ma soo xadeen? (C/Weli oo is-miidaaminaya)

MADAXDA DALKA JAGOOYINKA MA SOO XADEEN?

Waxaa jira hal-ku-dheg ah ”gurbaanki la soo xado goob lagu tumow rabaa” waxaa la mid ah nin shaati soo xaday meeshuu ku gashan lahaa aa la rabaa!!!

Madaxda dowladda Somaliya sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo R/Wasaaraha waxay u dhaqan egyihiin niman jagooyinka ay hayaan soo xaday oon marna isticmaali karin ama aan  gasha karin shaarka ay huwan yihiin oo xambaarsan awoodo aysan dareensaneyn ama ay ka baqayaan inay ka muuqdaan saaxadda siyaasadda.  Midkoodna ma isticmaali karo mana adeegsan karo awoodda dustuuriga ah  ee sharcigu u fasaxayo.  Ninki laga cabsan lahaa haddii isagu cabsado xagee nabad iyo degganaan ka imaan kartaa?

Waxaa la gaaray heer ay hal-ku-dheg naqato qofki raba jago sare in loo magacaabo waa inuu dowladda ka horjeestaa, una gefaa Madaxweynaha, howlaha dalka ka socdana la carqaladeeyo, qof walibana uu sheegto awood uusan lahayn isagoo ku handadaaya dowladda inuu dagaal soo qaadi doono..Sidi ninkii ku hanjabay  inuu dagaal qaadi doono haddii aan la soo celin hubki laga soo bixiyay garaashki Cusmaan Caato oo uu tolkiisu lahaa..balaan sugno tallaabada uu ka qaado Wasiirka Amniga Khaliif Ereg arrintaan oo aad moodo inay si gooni u khuseyso.

R/Wasaare Cabdiweli wuxuu ku kacay (political suicide) kaddib  markuu C/weli Gaas oo u hadlay, sidi dowlad dal gooni ah deggan, inuu hambalyo u diro..waana arrin aad u dhaawaceysa xushamada jagada uu ku fadhiyo ee  R/wasaaraha.

Ilaa iyo hadda dowladda wax jawaab ah kama soo bixin, reer Puntlandana waa fuliyeen ammarki  madaxweynahooda..su’aasha waxay tahay Madaxweynaha dalka ma wuxuu diri doonaa R/Wasaare Cabdiweli si ugu hoydo C/weli Gaas uu jilbaha qabsado, wuxuu weydiistana la siiyo si loo soo celiyo dadka Xamar ka baxay.

Waxaa fiicnaan lahayd inay Madaxda dowladdu akhriso talooyinka uu soo jeediyay qoraa la yiraahdo Cali Karaama maqaalkiisa GARO CADAWGA SOMALIYA oo ku taliyay in tallaabo deg-deg ah laga qaado go’aanka Puntland, kuwi Xamar ka baxayna aan dib dambe loogu oggolaan inay ku soo laabtaan jagooyinka ay haayeen, dowladduna ay isticmaasho (iron fist) dharbaaxo bir ah si ay ugu cibrad qaataan kuwa ku fikiraaya inay u dhaqmaan sida Gaas oo kale.

Dalku wuxuu u baahan yahay dowlad adag oo isku kalsoon, howsha loo xilsaaray ee maamulka dalkana aysan cidna uga raadsan raalli gareyn.sahrciga u degsan dalka waa in lagu dhaqmaa oo qof waliba la marsiiyaa meesha ay mudan tahay marka ay gef gasho.  Cabdiweli Gaas waa in la dareensiiyaa inuu yahay guddoomiye gobol oo hoos yimaada dowladda dhexe ee ma ahan waxa uu ismoodo oo ah boqor qayb dalkan ka mida isagu gooini u leeyahay.  Kuwa ku siinaya garabkana isaga lagala mid dhigo oo la marsiiyo meesha ay mudan yihiin.  Dowlad noocaas ah dalka ma ka jirtaa?

Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin aad u nasiib daran wuxuuna ku soo beegmay xilli aan dalka lagu arag hal qof oo dareen wadaninnimo ku jirto…qof walibana ceebaha iyo cilladaha uu leeyahay wuxuu u nisbeeyaa inuu Madaxweynaha isaga la mid yahay.

wuxuu la mid yahay nin madax u ah qoys tira badan oo wada inkaaran.  Midka tuuga ah wuxuu ku leeyahay madaxa dalka waa tuug, kan waalan ee dharka dhigtay wuxuu aaminsan yahay in Madaxweynuhu asaga oo kale yahay..kan dadka dila wuxuu ku leeyahay Madaxweynaha ayaa u sababa…waa yaabe yaa ummaddaan u tali doona?  Waxay u baahan yihiin qof adadag oo gacan bir ah ku qabta oon wax naxariis ah lahayn…dalkana ka tirtira inta xumaanta horseeda oo loo wada jeedo haddii indhaha ay wax arkaan.  Madaxda gobollada waa in loo dhibaa dad yaqaanna etiket, borotokool, ixtiraamka iyo xushmadda ay mudan yihiin dadka madaxda ah lledahay dowladnimadu. Madaxweyne Xasan Sheikh waa nin xishooda oo yaqaanna borotokoolka, qofna aan ku xad-gudbin..taasoo dadka qaar aysan fahmi karin qiimaha ay leedahay.

W/Q: Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid