Daryeel la’aanta fanaanka Cabditahliil, ma dhaqaale dari, mise dhaqaale jecli?

Tan Wixii ka danbeeyay 1991-kii Dalka Somalia waxa uu soo maray marxalado kala duwan iyadoona dadka soomaaliyeed ay inta badan ay ukala caraeen dalalka deriska ah.

Wagii dalka Somalia uu lahaa dowlada dadka laf labarta u ah dalka iyo dadka waxa ay lahaan jireen qadarin gooni ah waxa ayna bulshada iyo dowlada ay ku dhex lahaayeen maamuus.

Fanaaniinta soomaalida waxa ay ahaayeen hanuuniyaasha bulshada waxa ayna inta badan baraaruji jireen bulshada iyo dowlada intaba.

Waxa ay fanaaniinta ahaayeen kuwo inta badan soo saara Ruwaayadaha iyo heesaha wacyi gelinta waxaana hobolada ugu caansanaa Hobolada Waabari oo dadka inta badan ay wada garanayaan.

Fanaaniinta hobolada waabari waxa ay bandhig fanbeed ku qaban jireen dalalka caalamka waxaana kamid ahaa dalalkii ay bandhiga ka sameeyeen:- Suudaan, Yaman, Masar, Jabuuti, Dubai, Shiinaha iyo dalal kale.

Fanaaniinta waxa ay daryeel iyo Mushaar ku lahaan jireen dowladii Somalia.

Dalkii waxaa ka dhacay dagaal iyo bur bur waxaana meeshii ka baxday Dowladii Xooga badneed ee Somalia.

Markii ay dowladii kacaacnka dhacday waxa ay fanaaniinta inta badan ay ukala carareen dalalka Deriska ah waxa ayna Deris la noqdeen Qaxootimo halka Qaar kalana ay dalka ku noolaayeen.

Fanaanka Caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame Waxa uu kamid yahay Fanaaniinta aanan ka bixin dalka waagii bur burka iyadoona bulshada soomaliyeed ay si aad ah uwada garanayaan.

Waxa uu qaaday heeso fara badan oo isugu jira wadani iyo Jaceyl.

Iminka waxa uu ku xanuunsanayaa magaalada muqdisho mudo 4sano ka badan sida uu iisheegay Maxamed Cabdi Tahliil Warsame oo ah wiil uu dhalay Fanaanka Cabdi Tahliil.

Maxamed ayaan la sheekeestay waxaana wax ka weydiiyay Xaalada Fanaanka isagoona ii sheegay in Aabe mar la qabtay Shirkii Carta kidib ee uu ka qaaday Heesta “Soomaaliya soomaali baa leh” iyo heesa kale.

Fanaanka oo ah fanaan qaran ayaa daryeel ka helin Dowladihii KMG ahaa ee soo maray dalka marka laga reebo Dowladii Shiikh Shariif oo loo qaaday Dalka Dubai kidib dhaawac kasoo gaaray Rasaas uu ku furay Askari ku libisisan dareeska Ciidanka Dowlada oo gurigiisa ku rasaaseeyay waxaana xiligaasi fanaanka loo qorsheeyay in loo qaado dalka jarmalka balse waxaa la sheegay in la qiyaamay oo gudi loo xil saaray arintaasi ay mus maasuqeen.

Xaaladiisa Caafimaad ayaa marba si isku badasho iyadoona iminka uu ku aruuray Sariir isla markaana uu xitaa socodkii iyo hadalkii uu gabay.

Marar fara badan ayaa laga codasaday dowlada somalia in ay la tacaasho fanaanka balse Weey iska indha tirtay.

Mar hadii Dowladii ay iska indha tirtay waxaa habooneed in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ileen waxaa horay loo yiri gacmo wada jir beey wax ku gooyaan hadii la is kaashadana waa lagaarayaa hadafka balse waxaadba moodaa in shacabka qudhoodu uu gaabis ka yimi.

Iminka dalka somalia waxaa ka jira dowlad aan KMG aheyn madaxda dalkana waa ay ka warqabaan xaalada fanaanka halka ay mareeso iyadoona iska indha tirtay in ay wax u qabato.

Xili sii horeesay waxaa booqday fanaanka Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh waxa uuna ka dhawaajiyay in wax loo qabanayo fanaanka balse waxeynu dhihi karnaa waa balan qaad afka uun ku eg lana maqashiinayo shacabka oo kaliya waxa ayna dadka qaar balanqaadkaasi ku tilmaameen Qawda maqashii Waxna how qaban maadaama ilaa iyo iminka aysan muuqan daryeel buuxa oo loo fidiyay fanaanka.

Cabdi Tahliil Warsame waa fanaan qaran waxa uuna kamid ahaa Hoboladii Waabari dadkii ugu cad cadaa, fanaaniin ay kamid tahay Fanaanada Maryam Mursal Ciise Bootaan oo iyadana kamid aheyd Hobolada Waabari iyo fanaaniin kale oo ku sugan Magaalada Londan ayaa waxa ay isugu yimaadeen Kulan ay lacag ugu aruurinayeen Fanaanka Xanuunsan waxa ayna xiligaa dowlada somalia ka codsadeen in Ay Baasaboor u sameeso fanaanka isla markaana ay Jarmalka ukeento waxa ayna fanaaniintaa shegeen in iyaga ay daaweesanayaan ayna wax kale ka rabin dowlada somalia balse ma jirto cid u jawaabtay.

Xili aan booqasho ku tagay magaalada muqdisho bishii May ee sanadkan ayaa waxaan booqday hoyga uu deganyahay fanaanka qaran Cabditahliil Warsame anigoo aad uga murugoon xanuunka la degay fanaanka.

Waxaa halkaasi igu soo dhaweeyay wiilkiisa Maxamed Cabditahliil iyo gabadhiisa Xamdi Cabditahliil waxaana la iigudbiyay qol uu ku jiray fanaanka, markii aan gudaha ugalay qolkii ayaa mar qura waxa ay indhaheyga qabteen fanaanka oo xaaladiisa ay tahay mid liidata oo inta afka lakala qabto caana loogu shubayo, Maqalka dhagaha fanaanka ayaa waxa ay ahaayeen mid liita.

Markii hore qorshaheygu waxa uu ahaa in sawiro iyo cod aan kasoo qaado fanaanka anigoo ka socday mid kamid ah idaacadaa ku yaal magaalada muqdisho, balse markii aan arkay xaaladafanaanka dareenkeyga si aad ah ayuu isku badalay afar faataxo ayaan u akhriyay fanaanka in Allaah uu caafimaad siiyo waana kasoo tagay ileen wax kale oo aan awoodo malahane.

Maanta hadii ay tii rabi u timaado fanaanka waxaa hubaal ah in madax dowlada ay kawada hadlli doonaan ayna cambaaren doonaan oo ay oran doonaan waxa uu ahaa fanaan qaran Allaha u naxariisto murugana ay isku beeraan.

Dowlada somalia waa ay awoodaa in ay diyaarad u kireeso fanaanka oo ay soo daweeso balse kama muuqato dadaalkaa.

Marar badan ayuu ka Codsaday dowlada in ay wax u qabato mana jirto cid uga jawaabtay Codsigiisa.

Waxaan soo xasuustay heestii uu fanaanka horay ugu luqeeyay ee aheyd “Xafiisyada Waan Dhaliilay Mawada Dhaliiline Qaar baan dhaliilay”

Hadaba dowlada somalia Maxay u qaadi La’dahay oo ay u caawin la’dahay Fanaanka Qaran Cabdi Tahliil?? Ma Dhaqaalo Daro Mase Dhaqaalo Jecli??!!

W/Q:- Cabdullaahi Maxamuud Cumar “garfiiq”
E-mail:- garfiiq55@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid