PUNTLAND waxa ay diiday heshiisyadii Garowe1 iyo Garowe2 (Maxaa ka jira in ay Galkacyo horey uga tanaasushay?)

Diidmada Puntland ay diiday heshiiskii Mudug iyo Gobolada dhexe loogu sameenayey Maamul Goboleedka waxay macnaheedu tahay iyadoo diiday Heshiiskii Garoowe1 iyo Garoowe2.

Heshiisyadaas waxaa ka mid ahaa in magaalada Gaalkacyo ay hoos timaado Maamulka Galmudug.

Diidmmada Puntland ay diiday heshiiskii Mudug iyo Gobolada dhexe loogu sameenayey Maamul goboleed waxay fursad siinaysaa Qabaa’ilada Soomaalida oo intooda badan Heshiiskii Garoowe1 iyo Garoowe2 diidanaa.

Sideed iyo toban-ka gobol ee aasaaska looga dhigay maamul goboleedyada ayaa markii horeba cadaalada daro laga tirsanaayey, taasoo hadaad eegtid ahaa mid qabaa’ilo gaar ah loo samaeeyey,

Iyadoo aan loo eegin,wax soo saar ahaan,tirada bulshada degan iyo masaafada degaanka.

Maamulka KMG Juba ayaa gacanta loo galiyey Axmed Madoobe, iyadoo la hareer maray Beelaha gobolkaa dega sida; Jareer Weyn, Digil iyo Mirifle, Gaaljecel,Mariixaan, Carmalo,Biimaal, Shiikhaal,Dir,Baajuun iyo Giirgiir.

Puntland waxay tiraa Kismaayo waa magaalo Soomaaliyeed, cid walba oo sheegata Soomaali ayaa ku maamulkeeda xaq u leh.

Dawlada federaalka waxay ku mashquushay inay had iyo jeer raali galiso Puntland oo ay ka hormariso ummadda Soomaaliyeed inteeda kale. Dawlada Federaalka waxay kala tashatay dib u eegista Dastuurka maamulka Puntland oo keliya, iyadoo aan beelaha kale ee Soomaaliyeed lagu wargalin waxa socda.

Soomalida waxay tiraahda xaq feeraha yuu ka dilaacaa. Labadii xaqdaro ku heshiisa, xalaal kuma heshiiso.

Waa Ilaahay mahadii haddii Dawlada federaalka iyo Puntland ay isku dhaceen. Labada waxay masuul ka yihiin qaska iyo jahwareerka ka taagan Soomaaliya maanta.

Isku soo wada duub: Diidmada Puntland ay diiday heshiiskii Mudug iyo Gobolada dhexe loogu sameenayey Maamul Goboleedka waxay keenaysaa in nidaamki Federaalka ahaa uu hawada ka baxo iyo in beel walba ay degaankeeda ay maamul u sameesato.

Beelaha Digil iyo Mirif,Hawiiye, Jareer Weyn iyo Mareexaan  ay Qaadacaan Maamulka KMG Juba.

Qore: Axmed Cabdi Osmaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid